Warbaahinta Mareykanka ayaa saaka aroortii hore soo werisay in uu dhacay shil Diyaaradeed ka dib markii ay isku dhaceen culus oo u dhexeeya diyaarad laga leeyahay Kanada iyo gaari ku sugnaa dhabaha diyaaradaha ee garoonka diyaaradaha LaGuardia ee magaalada New York.
Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, shilkan ayaa dhacay xilli ay diyaaraddu ku socotay dhabaha diyaaradaha, iyadoo ay ku dhacday gaari ku sugnaa goobta, sababta arrintan dhalisayna weli si rasmi ah looma shaacin, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo faahfaahinta shilka.
Warbaahinta NBC News ayaa markii dambe sheegtay in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen shilkaasi, iyadoo sidoo kale la sheegay in uu jiro khasaare hantiyeed, inkastoo aan weli la bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dadka dhintay.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa si dhaqso leh u gaaray goobta shilka, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu badbaadinayo dadka waxyeelladu gaartay, halka maamulka garoonkuna uu hakiyay duulimaadyadii si ku-meel-gaar ah, taas oo keentay dib u dhac iyo baajinta qaar ka mid ah safarradii diyaaradaha.
Garoonka LaGuardia ayaa ka mid ah garoomada ugu mashquulka badan dalka Mareykanka, waxaana maalin kasta ka duula kuna soo dega diyaarado badan.