U bood dhigaalka

QURAANKA KARIIMKA AH EE BAREELKA ELEKTAROONIGGA AH: HORUMAR TIKNOLOJIYADEED OO FUDUDAYNAYA AKHRISKA QURAANKA EE DADKA ARAGGA LA’

Maarso 23, 2026

WQ: Cabdiraxmaan Faarax (Luunge)

Aqoonyahan

Qiyaastii laba qarni ka hor, wiil Faransiis ah, oo la oran jiray Louis Braille, ayaa aragga ka naafoobay, waxaanu curiyay nidaam fudud oo dadka isaga la midka ah wax ku akhrin karaan. Waa hannaanka isaga loo gu magac daray ee bareel loo yaqaan (Braile), kaas oo ka kooban lix dhibcood oo soo kacsan, taabashada na la gu dareemi karo. Dhibcahaas yaryar ayaa noqday hannaan caalami ah, taas oo u furtay dadka aragga la’ albaabkii aqoonta, waxbarashada iyo akhriska. Hal fikrad oo yar ayaa sidaas ku noqotay mid beddeshay nolosha malaayiin qof. Maanta, ku dhowaad laba boqol oo sano ka dib, safarkaas hal-abuurka ahi weli wuu socdaa. Isla fikraddii lixda dhibcood ku dhisnayd ayaa hadda u gudubtay heer cusub: qalab yar, oo qaab tablet ah u habaysan, oo uu ku daabacan yahay Qur’aanka Kariimka ah oo dhan, oo ku qoran bareelka. Qalabkan yar wuxuu ka dhashay sannado badan oo fikir, cilmibaaris iyo maalgelin tiknoolajiyadeed ah, si akhrinta Qur’aanka loogu sahlo dadka aragga la’ ee adduunka oo dhan.

Dhowaan, aniga waxa gacantayda soo galay qalabkan cusub ee Qur’aanka Bareelka Elektaroonigga. Waa aalad casri ah, oo xallinaysa dhibaatooyin waaweyn oo dadka aragga naafada ka ahi ay ku qabeen helitaanka iyo akhriska qur’aanka. Markii uu tablet kan yari gacantayda soo galay, waxa aan dib u fiiriyay jidka aadka u dheeraa ee ay dadka aragga naafada ka ah soo mareen.

Ka hor intaan la helin qalabkan cusub, dadka aragga la’ ee yaqaan akhriska Bareelka Carabiga ah, waxa ay Quraanka kariimka ah ku akhrisan jireen kitaabvo waaweyn oo Bareel ah. Qur’aankaas Bareelka ah, soddonka jus hal kitaab laguma ururin karo sida kan caadiga ah. Badanaa waxa uu ka koobnaa lix mujalad, kuwaas oo qiyaas ahaan midkiiba uu xajmi ahaan u dhigmo kitaabka Riyaadul-Saalixiin. Sidaas darteed, way adkayd in Quraanka oo dhan uu qof wada qaato, gaar ahaan marka safar lagu jiro. Waxaa lagu qasbanaan jiray in hal mujalad ama labo ka mid ah lixdaas mujalad la qaato, dan baana tiri. Sidaas baan samayn jiray anigu marka aan safar ku jiro, dadka kale na xaalkoodu waa tabtaas uun. Qofku isaga oo jecel in uu qur’aanka wada akhriyo, ayaanay u suuroobayn in uu tirada intaas leeg ee kitaabbo ah qaato.

Horumarka tiknoolajiyada ayaa si tartiib tartiib ah u beddelay xaaladda dadka aragga la’, gaar ahaan dhinaca akhriska iyo qoraalka. Maanta waxa ay awood u leeyihiin in ay si madaxbannaan u adeegsadaan aalado kala duwan, sida kombiyuutarrada, taleefannada gacanta ee casriga ah iyo kuwii horeba (old and smart phones), taabledyada iyo aalado kale oo badan. Taas waxa sababay soo bixista barnaamijyada loo yaqaan shaashad-akhriyaha (screen readers), kuwaas oo noqday furaha ugu weyn ee isbeddelkan. Software-yadani waxay akhriyaan qoraalka shaashadda ku qoran, iyaga oo u roga cod uu qofku maqlo. Sababtaas awgeed, maanta waa arrin caadi ah in aad aragto dad aragga la’ oo si firfircoon u isticmaala baraha bulshada, sida Facebook, twitter (X,), iwm, islamarkaana si madaxbannaan ula falgala dunida dijitaalka ah. Sidaas oo kale, buugaagta ayaa iyagana si fudud loo heli karaa. Kuwo aad u badan ayaa maanta u dhigan amma u diyaarsan qaabab dijitaal ah, sida Word, PDF ama Kindle, iyada oo barnaamijyada shaashad-akhriyayaasha ahi ay si fudud u akhrin karaan. Intaas waxa dheer, buugta la codeeyay (audiobooks), kuwaas oo ka dhigay kumannaan buug kuwo la dhegeysan karo. Taas baa keentay buug kasta oo soo baxa, in qofka araga naafada ka ah uu helo isaga oo elektaroonik amaba cod ah, kharashka ka baxayaana aanu ka badnayn midka qofka wax arkayaa uu bixiyo, haddana weli bareelkii lagama maarmin.

Inkasta oo tiknoolajiyadan cusub ay si weyn u fududaysay helitaanka macluumaadka, haddana waxaa jira xaqiiqo kale oo muhiim ah. Akhriska ku salaysan dhegeysiga keliya waxa uu wiiqi karaa awoodda akhris-qoraalka (literacy), ee qofka aragga la’. Marka qoraalka la dhegeysanayo, maskaxdu ma aragto ama ma taabato qaabka erayga. Sidaa darteed, eraygu maskaxda kuma kaydsamo, sida marka la akhriyo ama la taabto oo kale. Halkaas ayay ka muuqataa qiimaha gaarka ah ee bareelku leeyahay.

Marka qofku farta ku akhriyo bareelka, wuxuu taabanayaa qaabka erayga. Wuxuu awood u leeyahay inuu higaadiyo, fahmo qaabka erayga, islamarkaana maskaxdu si buuxda u kaydiso. Taasi waa sababta bareelku u ahaa, weli na u yahay, lafdhabarka waxbarashada dadka aragga la’.

Qalabkan yar, oo cabbirkiisu la egyahay tablet, waxa uu kulmiyay laba amuurood oo muhiim ah, waa horumarka tiknoolajiyada casriga ah iyo ilaalinta adeegsiga akhriska bareelka. Sidaas darteed, maanta waxa suurowday in soddonkii jus ee Qur’aanka lagu qaado hal qalab oo aad u kooban, laguna akhriyo bareel, mana loo baahna lix kitaab ama mujalad oo kolba meel loo raro. Farqiga u dhexeeya kitaabkii bareelka ee soojireenka ahaa (taqliidi) iyo kan elektaroonigga ahi waa mid aad u muuqda. In kasta oo labaduba ay nidaam is ku mid ah adeegsanayaan (lixdii dhibcood), haddana habka ay u soo bandhigayaan baa kala duwan. Mid waa qoraal waraaq ku daabacan oo aad u ballaaran xajmi ahaan, midna waa elektaroonik aad u fudud, qur’aankiina ku idilyahay. Halkaas baa lagu kala tegay. Sababta Bareelka daabacan uu u culus yahay, waa in qoraalkiisu ka samaysan yahay dhibco soo taagan oo lagu daabaco warqad adag oo dhumuc leh. Taasi waxay keentaa in qoraalku boos weyn qaato, sidaas awgeedna buugaagta Bareelku ay noqdaan kuwo waaweyn oo culus.

Horumarka qalabkan iyo kuwa kale ee la midka ah wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa fikrado muhiim ah oo ku saabsan waxbarashada casriga ah. Mid ka mid ah waa Universal Learning Design, oo ah siyaasad (policy) qiyam ku dhisan, oo sheegaysa in tiknoolajiyada iyo waxbarashada loo naqshadeeyo si qof walba uga faa’iidaysan karo.

Qiyamka kale waa equity, oo ah xaqsoor dhab ah. Sinaantu waxay dadka siisaa wax isku mid ah, laakiin xaqsoorku (equity) waxa uu diiradda saaraa in qof walba la siiyo waxa uu u baahanyahay, si uu u la mid noqdo dadka kale dhinaca fursadaha. Aaladaha ka la duwan, sida bareelka, shaashad akhriyayaasha (screen readers) iyo Bareelka elektaroonigga ahi waa tusaalooyin cad oo muujinaya sida xaqsoorka noocan ahi waxtar u leeyahay, ee dadka isu soo gaarsiinayo.


Gebegabadii, xalkan cusubi waxa uu is ku xirayaa hindisihii qarnigii 19aad ee bareelka, iyo sancooyinka qarniga 21aad ee aan maanta la noolnahay. Sidaas darteed, tani waxa ay meesha ka saaraysaa wixii cudurdar ah ee ay dad badani sheegan lahaayeen, amaba lagu doodi lahaa in aan la awoodin akhriska qur’aanka kariimka ah. Dabcan, dad badan oo aan fursadda heli karin waa jiraan, laakiin inta helaysa ayaa badan. Waxa aan Allah ka baryeynaa in uu naga dhigo kuwo Qur’aanka akhriya, oo ku camal fala. Aamiin.

U gu dambayn, mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa Miri Roshni, oo ah hay’ad samafal oo ii soo gaarsiisay qalabkan islamarkaana taageerta dadka aragga la’ ee akhriya Qur’aanka. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa General Presidency for the Affairs of the Two Holy Mosques iyo hal-abuuraha Misha’al Al-Harasani, kuwaas oo door weyn ku lahaa horumarinta tiknoolajiyadan muhiimka ah.

Alle ha ka abaalmariyo dhammaan dadka ka qayb qaatay in Qur’aanka la gaarsiiyo dadka aragga la’ ee dunida oo dhan. Aamiin.

FG: Qofkii doonaya nuqul ah Bareelka elektaroonigga ah ee Quraanka kariimka ah, ee ku nool UK, waxa uu kala xiriiri karaa Miri Roshni. Dadka kale waxa ay iyana kala xiriiri karaan Hay’adda Xaramayn ee gacanta ku haysa labada masjid xaramaynka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.