Buugga Halgan iyo Hoggaan waxaa la daabacay Julaay 2026. Waxa uu ka koobanyahay 244 bog. Afartanka bog ee u danbeeya waxaa ku qoran faallooyin ay soo gudbiyeen asxaabtii Sheekha. Waxa ay uga hadleen shaqsiyaddiisa wixii ay ka yaqaanneen. Labada boqol ee kale waxaa lagu soo koobay waraysiyo sheekha laga qaaday waqtiyo kala duwan. Buugga waxaa qoray wiil uu sheekhu dhalay oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf.
Cabdiraxmaan waxa uu sheegtay in uusan buuga ku darin wax isaga ka yimid. Wax Alla waxa laga helo labadaas boqol ee bog waa erayadii sheekha oo qoraal loo rogay sida uu nagu yiri Cabdiraxmaan. Waraysiyada salka u ah buugga waa laba qeybood. Qeyb waxaa qaaday Dr Cumar warsame. Buuggu waxa uu tilmaamay in la duubay intii u dhaxaysay Jannaayo 2013 ilaa Juun 2013. Waa waraysiyo qaatay 14 fadhi. Qeybta labaad waxaa duubay Sheekh Cabdullaahi Faarax Taano 2001dii. Sida uu qoruhu sheegay waxa ay ahaayeen laba cajalood. Xogtaas waxa aan ka fahannay in codka sheekha la duubay oo haddii loo baahdo la heli karo. Buugga inta aad akhrinayso ma ogaan kartid xogta lagu siiyay waraysiga ay ku jirto. Tusaale, ma midkii 2001dii baa mise waa kuwii danbe? Lama xusin.
Sida laga fahmi karo ciwaanyaraha, buuggu waxa uu ka warramayaa taariikhnololeedkii sheekha. Laakiin Sheekh ma uusan ahayn sheekh ka mid ah culimada Soomaaliyeed e waxa uu ahaa siyaasi xil weyn qabtay go’aannadiisiina ay saamayn waartay oo dhib iyo dheefba leh ku yeelatay dad badan iyo deegaan dhan. Taas ayaa xiiso gaar ah u yeeleysa buugga dadka taariikhda jecelna ku qasbeysa in ay dheegtaan.
Buuggu waxa uu ka kooban yahay 8 cuutub. Shanta cutub ee hore, oo qaadatay 88 bog oo buugga ah, waxa ay ka hadlayaan noloshii sheekha dhalashadiisii ilaa uu jaamacad ka baxay iyo shaqooyinkii uu qabtay ilaa burburkii dalka. Waa qeybta xambaarsan qeybta hore ee ciwaanka (Halgan). Sidaa darteed ereyga “halgan” ee ciwaanka ku jira ha u qaadan mid hubeysan oo hoggaan lagu gaaray ee halgankii nolosha iyo waxbarashada ee sheekhu galay. Malaha “harjad” ayaa ku habbooneyd baan is iri. Cashirro badan oo dedaalka sheekha, himiladiisii iyo ragannimadiisii tuseysa ayaa ku muush ka ah.
Buuggu waxa uu ku qoranyahay luuqad fudud. Akhriskiisu waa sahal, fartiisu waa fariid, sida uu isu heystana waa heer sare. Tifaftir toolmaan ayaa lagu sameeyay. Habqoraalkiisu ceeb ma leh.
Qeybta hore ee buugga waxaa ku jiro dhacdooyin uu si kooban u xusay sheekhu oo sawir naga siinayaa xaaladdii dalka iyo dadka. Tusaale, 1969kii mar uu ku soo laabtay dalka isaga oo Masar ka yimid waxaa uu yiri.
“… Waxa aad akaysay aqoonyahanno jaamacado ka soo laabtay oo wada baaga muudda ah oo huteellada wada fadhiya. Qofkii kugu arka baasaboor una maleeya inaad dibadda ka timid wuxuu ku moodayay in kheyrkii oo dhan laguu dhammeystiray.”
Arrintaasi waxa ay na baraysaa in dhibta shaqa-la’aanta ee maanta taagan iyo dhoof jacaylku uu ahaa mid waqti dheer jiray.
Sheekhu waxa uu ardaynimo ugu baxay Masar 20/11/1965. Habeenkii bixitaanka marka uu ka hadlayay waxa uu yiri:
“Waxaa xusid mudan in maalintii aan diyaaradda raacaynay, raggii kale ee aan wada soconnay ay wada xirnaayeen jaakad ama suud sida loo yaqaan…. Ma aannan helin. Ma ahayn mid qaali ah laakiin ninka aan tabar hayn ama gacan-qabasho helin culays ayay ku ahayd”.
Ilaa maanta qofka soomaaliga ah markii uu dhoofayo waxa uu jecelyahay in uu xirto suud. Waxa aad arkaysaa arday tigidkiisa la qaaraamay oo waalidkiis ku qasbaya in ay suud deyn ah u qaadaan ama ehelka kale ku dhiba in suud loo iibiyo. Sida ka muuqata hadalka sheekha waa arrin waa hore ku biirtay dhaqanka Soomaalida.
Sheekhu waxaa uu xusay arrimo badan oo yaab leh oo uu marqaati ka ahaa. Dhaqamadii siyaasadda ee dalka ka jiray ayuu wax badan innooga sheegay. Degmada Luuq waxaa ka jiray saddex xisbi: Leegada, xisbiga Great iyo Digil iyo Mirifle. nin kii madaxda ka ahaa xisbiga Great ayaa booskii banneeyay. Dabadeed xisbigu waxa uu codsaday in la raadiyo nin Marreexaan ah oo suuq leh oo booska loo magacaabo. Sheekh Maxamed oo magaalada xer ku ahaa ayaa booskii loo cimaamaday. Waa dhaqan muujinaya in waxa maanta jira ay yihiin mid waa hore soo bilowday.
Dhacdo kale oo i cajabgelisay waxa ay dhacday 1990kii. Isbuucyo uun ka hor burburkii dalka. Markaan sheekh Maxamed waxa uu ka tirsanyahay ururkii Itixaad. Waa koox culima ah oo dar Alle u midowday. Dalkii oo sii burburaya ayaa u muuqday. Qaar ka mid ah culimadaas ayaa u arkay in dagaalka socdo uu u dhaxeeyo Habargidir mucaarad ah iyo Marreexaan muxaafid ah. In intooda labadaas qabiil shiraan oo dalka xal u keenaan ayay ku fikireen. Sheekha oo arrintaas ka warramayo waxa uu yiri:
“Dhanka culimada waxaa billowday fadhiyo la isaga waraysanayo xaaladda uu galay dalku. Fadhiyadaas waxa ay ka billowdeen dhallinyaro wadaaddo ah oo isugu jireay Marreexaan iyo Habargidir… Waxa ay isugu yeereen culimo ka soo kala jeeda labada beelood oo ay ka mid ahaayeen Sheekh xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Aadan sheekh Cabdullaahi.”
Sheekh Maxamed waxa uu sheegay in uu shirkii ka sheegay in dagaalku uusan ku koobnayn labada beelood ee shireysa sidaa darteed loo baahanyahay in loo yeero culimada Soomaaliyeed oo dhan. Waa dhacdo muujineysa heerka qabiilku gaarsiisanyahay soomaalida dhexdeeda. Dagaalkii dalka oo dhan ka socday ee u dhaxeeyay dowlad Soomaali u dhantahay iyo jamhado qabiilooyin ka koobnaa ayay culimadii u arkeysay mid laba jifo u dhaxeysa. Sawirka aan nolosha ka haysanno oo dhan ayaaba naga khaldan!
Xogo badan iyo sheekooyin xiisa leh ayaa buugga sidaa ugu dhex xardhan. Laakiin meesha dhegta loo wada taagayo ee la is leeyahay xogo malab ama dacar mid ah ayaa loogu tagayaa waa qeybta danbe ee ciwaanka buugga “Hoggaan”. Waa qeybta uu sheekha kaga sheekeeyay imaaraddii Gedo ee uu madaxda ka ahaa 1992-1997.
Ha yeeshee buuggu ma sido wax cusub oo loo riyaaqo. 98% waxaa la dhihi karaa waa buunbuunin iyo sheegasho aan caddeymo wadan ama ugu yaraan aysan la socon wax awal naga qarsoonaa oo xog ah. Qeybtaas waxaa aad loogu dheeraaday wax qabadkii Itixaad ee xagga amniga, waxbarshada iyo dhaqaalaha. Laakiin buuggu ma sido wax ka badan intii dadku wada ogaa.
Tusaale ahaan, in iskoollo iyo maddaaris furnaayeen dadku wuu wada arki karay oo ardayda direyska xiran ayaa caddayn ugu filnayd. Buugga waxaan ka filaynay caddaad iyo caddeymo, sida “waxaan furnay iskoollo. Shantii sano ee aan xukunnay waxaa la diiwaan geliyaay 10 kun oo arday. Miisaaniyaddu waxa ay ahayd 300 oo kun. Laba nobol oo macallin ayaan shaqo siinney” iyo erayo la mid ah oo xog dheeraad ah noogu daro intii ay indhaheennu arkayeen. Nasiibdarro buuggu arrimahaas waba noogama kordhin.
Qeybta danbe buugga ayaan ku dheeraan doonnaa waayo waa mid saamayn nagu leh. Sidoo kale sheekha waxa uu ku daray 14 bog oo ciwaan looga dhigay “garnaqsi”. Maadaama akhrisyaasha uu u gardhigtay wixii nooga baxay ayaan uga jawaabaynaa.
Marka hore aan caddeeyo eedda iyo dhaliilaha aan taabaneyno in aysan sheekha naftiisa ku saabsanayn. Waxa lagu dhaggan yahay waa ururkii Itixaad. Sheekha madaxda ururka ayuu ka mid ahaa. Edda intiisa ayuu ku yeelan sida wanaagga uu intiisa ugu leeyahay. Wax isaga ku gaar ah oo weerar ama dhaleecyn ah ma jiraan. Allaha u danbidhaafo oo janno ha siiyo.
Sheekhu garta uu dhigtay waxaa ka mid ahaa in uu gobolka ka dhigay nabad Soomaaliya ka tacajubtay. Bogga 144 waxa uu ku yiri:
“Ururkii Itixaad kuma koobnayn dacwada iyo tacliinta oo keliya balse laamo u xilsaarnaa sugidda amniga gobolka. Taasina waxay sabatay in gobolku nabdoonaado kana badbaado isbaarooyinkii dadka lagu baaran jiray ee ka jiray inta badan ee gobollada dalka”.
Waa hubaal in Gedo aan laga aqoon isbaaro ilaa la soo gaaray 1999kii. Balse ma ahayn mid uu Itixaad keenay. Itixaad waxa uu ka talinayay Beledxaawo iyo Luuq keliya. Doolow waxaa ka joogay ciidan yar laakiin maamulka waxaa haystay Xasandeer oo lid ku ahaa. Inta kale ee gobolka nabad ayaa ka jirtay si la mid ah sidii nabad u ahaayeen Luuq iyo Beledxaawo. Lagama aqoon isbaaro. Lama arki jirin mooryaan qoryo sidata oo suuqa wareegeysa. Intaan ogahay dadka lagu dilay dhinaca uu Itixaad xukumay ayaa ka badnaa intii lagu dilay dhinaca uusan xukumin. Haddaba sidee sheekhu ku sheegan karaa in uu Gedo nabad ka dhigey? Sow ma habboonayn in uu hadalka ku koobo deeggaannadii uu xukumay?
Cidna ma inkiri karto wanaaggii uu Itixaad ka sameeyay deegaannadii uu xukumay. Si faahfaahsan waxaan uga hadlay buugga Halgankii Gunnimadoonka. Laakiin nabadda guud ee Gedo ka jirtay Itixaad sabab uma ahayn. Yaa sabab u ahaa dood kale oo aan halkaan boos u ahayn.
Inta aad akhrinayso buugga, waxaad dareemeysaa in looga jawaabayo dhaliilo uu horay u tabiyay buugga Hangankii Gunnimadoonka. Ciwaannada qaar waa kuwii buugga aan xusnay, warka ku qoranna waa jawaab toos ah loogu talagalay in looga jawaabo su’aal ciwaankaasu siday. Waa ciwaanka leh “Dagaalka ma laga baaqsan karay”?
Buugga Halgankii Gunnimadoonka su’aashaas ayuu keenay. Waxa uu si aad uga niqaashay in ay suuragal noqon lahayd in laga baaqsado in Xabashidu Gedo soo weerarto. Geeso badan ayuu wixii jiray ka istaagay. Taxliil, tacliilin iyo naqdin ka dibna waxaa uu ku gunaanaday in dagaalka laga baaqsan karay haddii la qaadi lahaa tallaabooyin uu buugu xusay.
Buuggan hadda aynu gorfeyno isla su’aashaas ayuu keenay. Laakiin, walow looga hadlay 17 bog, jawaabtu ma noqon taxliilin iyo waaqaca oo dhinacyo badan la eego. Beddelkeeda waxaa la taxay shirar uu urur qabtay iyo dedaal uu u galay in uu bulshada deegaanka soo dhowaysto. Gunaanadkii jawaabtuna waxa ay noqotay in Itixaad doonayay in uu dadka xukumo isaga oo taageero ka hasyta laakiin ay SNF iyo Itoobiya middaa diiddanayd oo ay Xabashidu sidaa ku timid sidaa awgeedna aysan suuragal ahayn in dagaalka laga baaqsado. Bogga 176 ee buugga waxaa lagu yiri khulaasada:
“Ma laga baaqsan karay dagaalka? Waxaan ku soo xiriyaa shirkan oo, sidoo kale, marag u noqonaya in mar walba maamulka wadaaddu u taagnaayeen xalraadinta iyo inaan gobolka loo horseedin amnidarro, bulshadana loo ilaaliyo waxqabadka muuqda iyo horumarka ay hiigsanaysay.”
Sida ka muuqato khulaasada kore, sheekhu waxa uu ku dooday in colaadda laga baaqsan lahaa haddii reer Gedo taageeri lahaayeen maamulkii Itixaad.
Haddaba taasi sax maaha. Marnaba Xabashida iyo gaaladii gadaal ka taagnayd ma daayeen gobolka inta Itixaad maamulayay. Taasi waxaa caddayn ugu filan hadallada ku xusan buugga dhexdiisa. Bogga 156 ee buugga waxaa ku qoran sidatan:
“Tigreegu waxay dareemeen iftiinka Islaamiga ah ee baxaya kuna fidiya meel ka baxsan Soomaaliya, gaar ahaan dhankooda. Sidoo kale waxay garowsadeen in haddii uu sii fido dhaq-dhaqaaq ka curtay Gedo uu horseedi karo helitaan dowlad Soomaaliyeed. Arrintaasi waxau ku caddayd warbixinno laga qorayay Gedo, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa: Haddii aan hadda wax laga qaban hawlaha ka socda Gedo, Geeska Afrika waxaa ka dhalan doona dowlad Islaami ah oo mayal adag. Taasina waxay keeni kartaa in danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika ay ciriiri galaan”.
Bogga xiga ayaa sii waday sababta Tigeeru u soo weeraray Gedo waxaana ku qoran:
“Tigreegu waxa xukuma Kaniisadda Orthodox oo ah tan ugu xagjirsan Kaniisadaha… Sidaas darteed ma aysan oggolaan karin curashada maamul Islaami ah oo ay deris wadaag yihiin”.
Akhriste bal halkaas dul istaag oo gartaas nala naq. Maamulka sidaa u fahansanaa cadaawadda Tigreega, asii aan hayn awood uu isaga difaaco, halkii uu raadin lahaa jid looga baaqsado dagaal lala galo, waqtigii geliyay daandaansi hor leh haddana ku doodaya waan isku daynay in dagaalka laga baaqsado laakiin dhinaca naga soo horjeeday ayaa diiday, ma wax la qaadan karaa? Sidee dagaalka ku baaqan lahaa haddii ay SNF meesha ka bixi lahayd illeen colaadda Tigreegu waxa uu ahaa maamul col la ah oo sii xoogaysanyee?
Laga yaabo in aad is tiraahdo sidee col ula ahaa ama u daandaansaday urur Itoobiya. Isla buuga dhexdiisa ayuu sheekhu ku qirayaa in xiriir la laahyeen ururkii Itixaad ee dagaalka kula jiray maamulkii Tigreega. Bogga 196 waxaa ku qoran:
“Eedda ah inaad xiriir la lahaydeen al-Itixaad al-Islaami, gaar ahaan qaybta ka hawlgalaysay deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, waa sax.”
Haddaba dowlad mar kuu qabta cadaawad diimeed; Mar kuu qabta cadaawad dhuleed; mar kalana aad taageeraysid, si aan gabbasho lahayn, jamhad dagaal kula jirta, sideed uga baaqsan kartay weerarkeeda? Akhristoow adiga ayaan kuu daayay jawaabta balse aan ka jawaabo midda aad maanka ku hayso ee ah maxaa kaloo furnaa?
Jawaabtaas oo faahfaahsan waxaad ugu noqon kartaa buugga Halgankii Gunnimadoonka. Iyada oo kooban, dadka qaba in dagaalka laga baaqsan karay waxa ay ku doodayaan waxa ay ahayd in la qaato taladii urur weynihii Itixaad ee ahayd meelna yaannan ku yeelan ciidan hubeysan. Culimadii reer Waqooyi-galbeed iyo kuwii reer Waqooyi-bari waxa ay fahmeen in aysan dhulkooda ka difaaci karin dal kale oo soo weeraray. Sidaa darteed waxa ay diideen in Itixaad xeryo ciidan ku yeesho dhulkooda. Laascaanood ayaa u danbaysay oo bil ka hor duullaankii Gedo ayaa la kala diray ciidan aan hub haysan oo xeryo lagu tababbari jiray. AUNtee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka warhelay in Xabashidu ku soo duuleyso ayaa kala diray si uu dadkiisa iyo deegaankiisa u badbaadiyo. Intii uu sheekh Cabdinaasir gartay ayay madaxdii Itixaadkii Gedo garan waayeen.
Sheekhu waxa uu sheegay in madaxdii Itixaad soo amreen in uu dhallinyarada kala diro 1992. Bogga 138 waxa uu ku yiri:
“Jabbuuti waxaa laga soo saaray go’aan ahaa in mucaskarka Gedo uu ka baxo Luuq. go’aankaas ma uusan noqon mid aan ku qanacno wuxuuna ka mid ahaa waxyaabihii dhaliyay khilaafka.”
Mar kale 1993kii ayaa sheekh Maxamed lagu wargeliyay in uu u hoggaansamo amarka madaxda sare oo uu kala diro dhallinyarada labada goorba wuu diiday. Bogga 140 waxa uu ku yiri:
“Markii uu soo baxay go’aankii lagu kala dirayay dhammaan ciidamadii al-Itixaad al-Islaami ee ku kala baahsanaa gobollada dalka, qaybta Gedo waxaa naloo soo diray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Axmed iyo Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi Xasan. Waxay la yimaadeen laba qodob oo kala ahaa: in amiirka [sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf] iyo ku xigeenkiisa [macallin Maxamuud macallin Nuur] xilka laga qaado [iyo] in la kala diro ciidamada.”
Sheekh Maxamed waxa uu sheegay in labadiiba ay diideen sababtana bogga 141 ayuu faahfaahiyay. Laakiin nuxurku waa in uusan u hoggaasamin amarkii ka soo baxay madaxdiisa.
Haddii uu maalintii u hoggaansami lahaa amarkii madaxdiisa, Gedo waxa ay u badbaadi lahayd sidii ay u badbaadeen gobolladii kale ee dalka. Amar diiddadii waxay dhalisay dhibaatada ilaa maanta afka lagu difaacayo. Doodba ma jirteen haddii go’aankii ururka la fuliyo 1993kii.
Waxaa yaab leh in sheekh Maxamed u aqoonsanaa dhulka Soomaaligalbeed dhul Itoobiya. Sida aan soo sheegnay, buuggu waa codkii sheekha oo qoraal loo rogay. Haddaba waxa ku qoran waxa ay noo yihiin erayadii sheekha. Buugga dhexdiisa ugu yaraan shan jeer ayaa lagu qoray erayo tilmaamaya in sheekhu dhulkaas u aqoonsanaa dhul Itoobiya. Bogga 20aad sheekha oo ka warramayo deegaan Dooloow u dhow oo uu xernimo u tagay waxa uu yiri:
“Markii aan Dooloow imid, ayaa la ii sheegay in sheekh Ilkadahab iyo xertiisii ay aadeen dhanka Laba-Shillindi, oo ah carro Itoobiya. Waxay u dhowdahay webi la yiraahdo Webeyd, waxayna ka tirsan tahay gobolla Afdheer oo ka mid ah deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.”
Bogga 144 mar uu sheekha ka sheekaynayay horumarkii ururkiisu keenay waxa uu yiri:
“Dabayshaas barakaysan waxay sidoo kale gaartay deegaannada deriska la ah gobolka Gedo sida Soomaalida Itoobiya”.
Bogga 196 laba jeer ayay ku timid “deegaannada Soomaalida ee Itoobiya”.
Dadka aamminsan qaddiyadda Soomaaligalbeed marnaba dhulkaas iyo dadkaas uma arkaan Itoobiyaan. Sinnaba kuma noqon karaan Itoobiyaan. In dhulka soomaaligalbeed tilmaan looga dhigo “ee Itoobiya” waa gef weyn oo aan fasir lahayn. Akhristoow garnaqsi ayuu buuggu noo dhiibtaye sidee qof dhulkaas u yaqaan dhul Itoobiya ugu doodi karaa xoreynta dhulkaas ayaan qeyb ka ahaa? Haddii aadan magaca keliya xorayn karin sidee xeryo ciidan ugu oodday in aad dhul xoreyso? Haddii aad dadkaas iyo deegaankaas u taqaan Itoobiyaan maxay ahayd xilka kaa saarnaa oo aad colaadda u soo jiidatay?
Buuggu qeybta garnaqsiga waxa kale uu ku keenay eedaymo uu sheegay in horay loogu jeediyay oo ku jawaabayo. Waxaa ka mid ahaa waxa ay cuskadeen xukunnada ay fulin jireen. Laakiin waxa uu doortay sheekhu ama qoraha buugga ayaa xushay kuwo jawaabtooda aysan dood badan ku jirin. Tusaale, wuxuu ka jawaabay waxa ay u daliishadeen khidmad ay ka qaadi jireen baabuurta xamuulka ah. Taasu dad badan dood kama qabin waa arrin maangal ah oo la fahmi kar sababta khidmada loo qaaday dabcan diintana qiil looga waayi maayo.
Jawaabaha laga sugayay ee aan la soo hadalqaadin waxaa ka mid ahaa: waxa ay u cuskadeen raggii Soomaaliyeed ee baabuur ay dhaceen awgii Itixaad uu ugu wareejiyay Kiinya. Buugga meelna loogama soo qaadin arrintaa. Waxaa muuqato in la xushay intii ururka sawir fiican ka bixin lahayd. Magacyada raggaas iyo sida ay wax u dhaceen ugu noqo buugga Hangankii Gunnimadoonka.
Eed kale oo uusan ka jawaabin waa in dad badan ay qabaan in Itixaad uu laba sharci ku kala dhaqi jiray ciidankiisa iyo shacabka uu xukumo. Markii ciidanku danbi galo sharciga masaalixada iyo xeer jajabka ayaa la cuskan jiray. Markii shacabku danbi galo oraahdu waxay ahayd “Kitaabka Alle wax aan ahayn ku kala bixi maayo”.
Taasi hadal la iska yiri ma aha. Intii u dhaxaysay 1992 iyo 1996, danbe kale iska daaye, dilalka uu ciidanku geystay tobon ayay kor u dhaafeen. Waxan raadiyay in helo qof oo ka mid ah oo inta maxkamad la keenay shareecadu waxay siiso la mariyay. Buugga Halgankii Gunnimadoonka oo rag badan oo Itixaadkii Gedo ah ay akhriyeen si weynna u naqdiyeen tabtaas ayaan ugu qoray waxaana raaciyay qofkii haya hal kiis Allaha ka dhigee ha noo jawaabo. Ilaa maanta jawaabtaas waan sugaynaa.
Sheekha oo ka jawaabaya dilalka ay geysteen ciidankii uu xukumay bogga 201 waxa uu ku yiri:
“Qodob labaad ee gaabis ama ilduuf ku dhacay wuxuu ahaa in ay jireen falal dhacay dagaallada ka hor. Ma ahayn kuwo ku talagal ah ama go’aan la qaatay balse waxaa geystay niman dhallinyaro ah oo degdegay oo islahaa wax wanaajiya, hase yeeshee waxay khilaafeen mabda’a tadarujka iyo qiimeynta maslaxada. Dhallinyaradu waxay na galiyeen magao badan. Qaar waan bixinnay, qaarna iyadoo wax nagu dhimman yihiin ayaa duullaankii Tigreegu dhacay.”
Waxa sheekhu ul jeedo gaabis iyo ilduuf dhacay ma in aan tallaabo laga qaadin baa? Maamul, dowlad, jamhad iyo cid walba oo meel ka arrimisa oo xubnaheedu danbi galayaan waa dabiici. Ma jirto cid ku eedaynayso Itixaad maxay danbi u galeen. Eeddu waxa ay tahay markii ay danbi galeen maxay u qaadin tallaabo ciqaabeed muuqato. Magbaan bixinney? Magta waxaa lagu samirsiiyay dadkii qofku ka baxay e qofkii danbiga geystay meeday wixii lagu sameeyay? Magta xaggee lagu go’aamiyay? Maxkamad mise xafiisyada madaxda? Ma ahayd mag dhammaystiran mise waxay ahayd afka dufan isu marin?
Ugu yaraan, hal kiis oo aan ka warqabo waxa uu ahaa afka dugan isu marin. Nin la dilay aabbihii ayaa lagu yiri annagu lama macaamilmo qabiilo. Waxaan wax siinnaa qofka dhintay caa’iladiisa. Adaa carruurta u weyn. Waxaan kuu haynaa laba boqol oo kun oo shilin soomaali ah! Markii uu diiday jawaabtu waxay noqotay “cirka warmo u jar”.
Waqtiga uu Itaxaad tobon qof oo uu dilay mago ka dhiibayo, dhinaca kale ee gobolka waxaa ka jiery qisaas xukunka lagu ridi jiray bannaan dadku daawanayo (fulinta qisaasta ma aha). Hal dil ayaa Garbahaarreay ka dhacay qisaas ayaa lagu dhammeeyay. Dhawr dil oo Baardheere ka dhacday qisaas iyo mag ayaa lagu dhammeeyay hadba midkii ay doorteen dadka wax laga dilay. Dhinaca Itixaad mag keliya ayaa ka jirtay illeen cidda wax dilaysay ciidanka ururka ayuu ahaaye.
Dilalka aan kor ku sheegnay waxa ay dhaceen intii nabadda lagu jiray. Markii ay bannaanka tageen, waxa ay billaabeen dhabbagal iyo socoto gowrac. Dhawr dil oo si foolxun ay u filyeen ayaa jiray. Sheekha oo arrintaas ka hadlayo waxa uu yiri (bogga 191):
“Sidoo kale, waxaa jiray rag iyaguna caan ahaa oo ku baxay gacanta wadaaddada. Waxaa ka mid ahaa Bile Shuuke Macallin Cabdi, Cabdulwahaab Cabdullaahi Warsame iyo Xasan Jaamac Falaxfalax. Labada nin ee hore waxaa la dilay markii wadaaddada laga saaray magaaloyinka oo ay miyiga galeen. Waxaan caddaynayaa inuusan jirin go’aan aniga iga soo baxay ama si guud maamulka Itixaad ee Gedo lagu gaaray in la laayo raggaas. Falka waxaa gaystay dhallinyaro caraysan, waana go’aan iyaga u gaar ah”.
Waxa ay dilaan go’aan iyaga u gaar ah miyaa guusha ay keenanna waa mid madaxdu sheegato? Haddii uu sheekhu qaadan lahaa amarkii la siiyay 1993dii dhallinyaradu dariiqa ma istaagteen raggaasna ma aysan dileen. Go’aanka kala dirista ciidanka Itixaad sababtii ugu weynayd ayaaba ahayd in aan la xakamayn karin dhallinyarada jannadoonka ah. Ninkii go’aanka diiday masuuliyadda wixii ka dhashay ma diidi karo.
Laba cidna kuma eedayn sheekh Maxamed inuu amarka dilka bixiyay waxa loo haysto waa in ururkii Itixaad uusan arrintaas canbaarayn, iska beriyeelin waxna ka oran oo uu ka aammusay. Aammusku waa aqbalaad sida la wada ogyahay.
Waxa aan ka hadlayno waa rag shacab ahaa oo iyaga safar ah inta baabuur lagala degay la gowracay oo midkood meydkiisa qashin lagu dhex tuuray oo xataa aas ay quuri waayeen. Sheekhu wuu karay in uu yiraahdo amarka ma bixin laakiin wuu kari waayay inuu raaciyo “waan ka xumahay in la dilo” ama uu tuso wax uun dareen ah oo muujinayo inuu ka xumaa dilka raggaas iyo intii la midka ahayd. Halkii uu oran lahaa waa gef weyn oo ururka ka dhacay eeddii waxa uu saaray willasha uu ku amray duurka gala oo dhuumalaysi dagaallama.
Sheekhu garnaqsiga waxa uu ku daray in aysan SNF garab ordin oo ay u daayeen aadidda shirarka dibadda sida Itoobiya iyo Kiinya. Sheegshadaan meel adag ma haysato. SNF waa saddex xaraf laakiin markii la sheego dadka waxaa ku soo dhacayo qabiilo Marreexaan la yiraahdo. Waxay ahayd summad qabiil iyo deegaan. Sidaas oo kale ayay Soomaalidu u wada sidatay summado dhawr xaraf ah ka kooban. Bogga 195 waxaa ku timid: “shirarka matalaadda gobolka Gedo wax ku sheegta SNF oo keliya ayaa jirta”.
Haddaba, mar la tagayo shirarka dibadda, SNF waxay wax ku raadinaysay in ay matasho qabiilo weyn oo dhul ballaaran deggan. Sidaas darteed, waxa la qeybsanayo wax weyn in laga siiyo ayay ku doodeysay. Jawaabaha ay helayeen waxa ay ahayd in uusan jirin deegaan buuxa oo ay ka taliyaan oo gobolka qeybo badan uu Itixaad haysto SNF-na aan waxba laga weydiineyn.
Dhinaca kale Itixaad ixtiraam uu hayo SNF ugama harin shirarka dibadda ee dhawr arrimood ayaa diidayay. Kow cidda qabanaysay Itixaad boos uma oggolayn. Laba, Itixaad qudhiisa shirarkaas waxa ay u arkayeen kuwo baaddil ah oo ay gaalo dabada ka riixayso in laga qaybgalana ay tahay diin la’aan. In xaalku sidaas ahaa waxaa noo caddaynaya isla buuggan. Shirkii Adis 1993 waxaa lagu heshiiyay in Soomaaliya oo dhan maamul isku nooc ah loo dhiso. Markii SNF isku dayday in ay fuliso go’aankii Adis 1993, Itixaad waa diiday. Sababtu waxay ku taallaa bogga 152-53:
“Qodobaddaas waxaa lagu soo saaray qoraal. Hase yeeshee dhaqan gelintooda waxaa is-hortaagay maamulkayaga wadaaddada. Aniga mooyee, xunihii kale ee guddiga fulinta ayaa ka horyimid. Guddiga fulintu dooddoodu waxay ahayd “waa inay ka bari noqdaan gaalada”.
Sida aad arki karto madaxdii Itixaad waxay taagan yihiin SNF gaalada ha ka bari noqoto si aan maamul ula wadaagno. Maamulka meesha yaallo waa midkii UNISOM soo dhistay. Haddii SNF laga rabo in ay ka bari noqoto UNISOM sidee Itixaad ku dhihi karaa shirarka dibadda SNF ayaan ku xurmaynay? Sidee uga bari noqon lahaayeen iyaga oo addeecaya go’aannadii ka soo baxay shirkii UNISOM.
Buugga waxaa ku yimid meelo sidii ay wax u jireen aan loo tebin. Aan soo qaadanno qabashadii Luuq. Waa markii Itixaad Luuq uu ka saaray Caydiid. Ciidanka Itixaad waxaa lagu soo xoojiyay malleeshiyaad Marreexaan ah sida ku qoran bogga 134. Mar haddii magaalada la qabtay qorshuhu waxa uu ahaa in loo jeesto xagga Baardheere iyo Kismaayo.
Sheekha waxa uu sheegay in ay ciidanka ku yiraahdeen qofkii raba ha nala joogo kii rabana halkii uu ka yimid ha aado. Haddaba sidaas fudud wax uma dhicin. Tegiddu shardi ayuu ku xiray Itixaad. Shardigu waxa uu ahaa in qofkii tegaya laga reebayo qoriga uu sito. Qofkii raba in uu qoriga haysto saddex akhtiyaar ayaa midkood ayaa la siiyey: kow, aan kaa iibinno (qiimo aad uga hooseeyay midkii suuqa); aan kuu hayno oo waa danbe u soo laabo (is-aammin ma jirin) ama hayso oo naga mid noqo (urur aadan rabin ku biir) . Intaas qofkii aan ku qancin qoriga ha dhigo oo ha baxo. U fiirsno dadka ikhiyaarka laga qaaday ee la leeyahay qori lama bixi kartaan waa ciidankii gurmadka ugu yimid.
Ujeedku waxa uu ahaa in qof sita uusan dib ugu laaban dhinaca SNF. Si go’aankaas loo fuliyo Itixaad waxa uu amar ku bixiyay in uusan ka gudbin qof ciidankii SNF ah oo qori sita. Buundada ayay dhigeen ciidan baara. Dabcan waa is weji yaqaannay oo dad wada dhashay ayay ahaayeen.
Xogtan ma ahayn mid qarsoon. Waraysi aan ka qaaday, hadda ka hor, ciidankii SNF ee sidaas ay ku dhacday iyo qaar ka tirsanaa Itixaad oo goobjoog ahaa ayaan ka xaqiijiyay. Xogtaas oo faahfaahsan meel kale ayaan ku qoray oo Eebbe idinkii dhowaan la faafin doonaa. Halkaan waxaa naga quseeyo in sida sheekhu dhigay aysan arrintaas u dhicin.
Buuggu, waxa kale oo si aan kutagal ahayn, uga marqaatikacayaa qaar ka mid ah dhaliilaha ururka loo jeediyay. Tusaale, waxaa lagu eedeeyay in ururku ahaa mid aan sawiran karin waxa ka dhalanaya tallaabooyinka uu qaadayo. Matalan, weerarkii kowaad ka dib, shir madaxdii Itixaad ku yeesheen Gedo waxaa lagu go’aamiyay in ururku la wareego lixda degmo ee gobolka muddo lix bilood ah “ujeedku wuxuu ahayd in degmo kasta taliskii loogu talagalay la wareego”. Bogga 158 iyo bogga 194 go’aan lagu xusay.
Bal u fiirso dhibka uu abuuray go’aankaan. Buugga dhexdiisa sheekhu waxa uu noogu sheegay in ciidankiisu ahaa qiyaastii 600. Awood ay ku difaacaan Luuq ma aysan hayn. Markaas waxa dagaalka kula jiro waa Amxaaro keliya. Hal askari oo Marreexaan lama joogin. Halkii laga fogaan lahaa wax walba oo Marreexaan iyo Amxaaro isu soo dhowayn kara, waxaa la qaatay go’aan ah in gobolka lala wada wareegno. Dadkii awal lagu kicinayay Hawiye shaar wadaad soo xirtay ayaa dhulkii idinka qaadanayo ayaa weerar lagu qaaday. Weerarkii kowaad Buurdhuubo ayay ku qabsadeen. Dadka ay dileen waxaa ka mid ahaa Macallin Diiriye imaamkii masaajidka jaamaca ee magaalada. Waxaa ka dhashay in Marreexaan isku shubo Doolow oo Amxaaro garab hesho.
Ninka aad go’aansatay in aad kala wareegto masaajidka uu imaamka ka yahay, xafiiska booliska uu xukumo, degmada uu maamulo ama meel kale oo uu madax ka yahay sideed ugu fikirtay in uu gacmaha laabto oo uusan kula dagaallamin? Wiilka 20 jirka ah ee aabbihii oo jooga meeshii ku dhashay, ku barbaaray, ku dhaqmay si maasajidka uu imaamka ka ahaa looga qaato 30 xabbo lagu dhiftay sidee loogu fikiray in uu gacmaha laabto oo uusan kula dagaallamin. Eedda ma isagaa leh mise adiga gurigiisa ku weeraray adoo xukun doon ah?
Maxaa looga waayay dad shirka fadhiyay qaar yiraahda dagaal “Amxaaro ayaa nagu furan ee mid qabiilo yaannan isku furin. Waar dadkaan yaannan ku riixin in ay Amxaaro kaalmo u doontaan.”
Qofkii las ocday taariikhdii jamhadihii dalka qabsaday wuu garan lahaa sida weerar lagu qaado dad meel deggan ay u horseedi lahayd Amxaaro xeryo u furto.
Wacyi la’aanta haysay dadka go’aankaas gaaray waxaa kuugu filan in ay ku fikirayeen in dagaalka ay maalgelin doonaan qurbajoogta. Bogga 158 waxaa uu sheekhu ku yiri:
“Ugu danbayn waxaa la isla qaatay in muddo lix bilood ah maamulka lagu baahiyo gobolka. Waxaa billowday abaabul iyo diyaargarow, waxaana farriin ka helnay jaaliyadaha dibadda oo oranaysay wixii taakulo ah ee aad u baahan tihiin waan idiin haynaa ee dhankiinna qorshe la imaada. Laakiin markii danbe waxaan caddaatay in jaaliyaduhu aysan hayn wax lagu fuliyo qorshihii aan dejinnay.”
Horay waxaan u soo marnay sheekha oo leh in aan jirno waxaa diiddana Itoobiya u adeegaysa reer Galbeedka. Halkaan dagaal lagu qabsado gobol dhan ayaa lagu fikirayay in laga helo jaaliyado ku nool dalal col kula ah.
Ma jiri karin lacag ururin bannaan lala imaan karay oo Itixaad lagu taageeri karay. Dadku waxa uu ahaa mid waddamada uu joogo ku cusub oo ama xamaal ku nool ama ceyr. Dalkii qax iyo colaado ayaa ka taagnaa oo qof walba oo qurbaha joogay qoysas dhan baa dul saarnaa. Xaggee ka keeni karaan qarash lagu galo dagaal intaas la eg la isma weydiin.
Sidii caadada u ahayd, iyaga oo aan xaajada dhinacyo badan ka joogsan ayay ku sheekeysteen ciidan nagu filan waan haysannaa haatanna gurmad baa Xamar nooga yimid. Wixii qarash ah ee aan u baahanno jaaliyadaha ayaa diyaar ah. Gobolka oo dhan aan qabsanno oo aan maamulkeenna ku soo rogno lix bilood gudahood. Allaahu Akbar! Allaahu Akbar! Shirku noo xiran!
Taasi waxay dhashay in iyaga oo weli shacabka Buurdhuubo dagaal kula jira intii hore ee ay haysteen lagala wareego sagaal bilood ka dib!
Qormada oo dheeraatay aan ku soo xiro, buuggan waxa uu xoojiyay eedaymihii jiray e kama uusan jawaabin. Dooddan waxa ay ahaan doontaa mid taagan, inta laga helayo madax Itixaad ah oo kudhac leh oo tiraahda ‘gef baa naga dhacay, waana ka xunnahay wixii naga dhacay’. Inta la taaganyahay dadkii ururku laayay masuul kama aynaan ahayn ee dhallinyaro caraysan baa laysay; dad degaan ah weerar kuma aynaan qaadin, iyada oo la qiranayo in go’aan gole shuuro ah lagu gaaray in degmo walba la qabsado; inta dooddu tahay imaanshaha Amxaaro wax shaqo ah kuma lihin, iyada oo aan isla oggolnahaye in haddii uusan ururku ciidan hubaysan Gedo ku haysan lahayn aysan weligeed Amxaaro soo aaddeen, meel la isaga soo dhowaado ma jiri doonto!
WQ: Ibraahin Aadan Shire
Aqoonyahan iyo Taariikhyahan