U bood dhigaalka

Ku Saabsan⁠

Aragtiyaha iyo faallooyinka si qotodheer ay ku gorfeeyaan qorayaasha, tifaftirayaasha iyo qalinleyda kale ee hal-abuurka ah.

Aragtida Xorta ah waa qeybta Warbaahinta Goobjoog u qaabilsan soogudbinta fikradaha culus, doodaha dhaadheer, iyo codadka xorta ah.

Waxay u taagan tahay inay soo gudbiso wax dhaafsiisan arrimaha maalinlaha ah iyo falcelinta degdegga ah. Waa goob loogu talagalay qorayaasha doonaya in ay si gundheer u faaqidaan siyaasadda, arrimaha bulshada, mawduucyada dhaqanka, falsafadda, taariikhda iyo doodaha fikriga ah ee Soomaalida, iyagoo cuskisiinaya caddaymo cilmi ah iyo xujooyin cadcad.

Aragtida Xorta ah waxay ka duulaysaa mabda’ ah: in bulshada caafimaadka qabtaa ay u baahan tahay goob ay ku doodaan—oo dib isugu qiimeeyaan—kaladuwanaantooda aragtiyeedna ay ugu soo bandhigaan si xor ah oo aan xanaf lahayn. Sidoo kale, waxay qorayaasha ku carinaysaa, kuna dhiirrigelinaysaa, inay lafaguraan doodaha kakan, u babacdhigaan beenaha faafay, oddorasaan filashooyinka imaan kara, warcelinna u helaan weydiimaha murugsan.

Qoraal kasta oo lagu baahiyo qeybta Aragtida Xorta ah waxaa la waafajiyay xeerarka iyo mabaadi’da Goobjoog ee anshaxa, is-ixtiraamka iyo qummanaanta cilmiga.
Jibriil Kaadiye
Agaasime

Jibriil Kaadiye

waa qoraa, cilmibaare, iyo xeeldheere ku takhasusay habmaamulka istaraatiijiga ah. Wuxuu u doodaa horumarinta bulshada, koruqaadidda tayaynta hay’adaha iyo dhisidda wacyiga bulshada.
Bilaal Q. Fiqi (Aar)
Tifaftire

Bilaal Q. Fiqi (Aar)

Cilmibaare daneeya dersidda iyo wax-ka-qoridda taariikhda iyo siyaasadda, suugaanta iyo cilmi-afeedka.

Maryama A. Isaaq
Qoraa

Maryama A. Isaaq

Qore dersa culuunta bulshada, isla markaasna xiisaysa daraasaynta iyo wax-ka-qoridda dhaqamada bulshada, habfikirkooda iyo saykoolojiyadda bulsheed.
Cali Xuseen
Qoraa

Cali Xuseen

Xeeldheere ku Takhasusay Arrimaha Geeska Afrika iyo Saxaafadda Dabagalka
Cabdiraxmaan X. Daahir
Qoraa

Cabdiraxmaan X. Daahir

Qore culuunta bulshada bartay oo xiiseeya akhriska iyo qoraalka, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga, buugagga iyo shineemada.
Martin Plaut
Qoraa

Martin Plaut

Ruugcaddaa saxaafadeed iyo cilmibaare ku xeeldheer arrimaha Geeska Afrika iyo Koonfurta Afrika. Hore uga tirsanaa BBC World Service, kana tirsan Institute of Commonwealth Studies iyo King’s College London.
Ciise Cabdi
Qoraa

Ciise Cabdi

Qore daraaseeya culuunta dhaqaalaha, waxna ka qora dhaqanka, dhaqaalaha, iyo dawladnimda, si gaar ah dhisidda hay'ado dawladeed oo daahfuran, kana hufan eex, musuq iyo caddaaladdarro.
Aw Dacar
Qoraa

Aw Dacar

Saxafi wax ka qora arrimaha bulshada, amniga iyo dawladdhiska.
Cali Ileeye
Qoraa

Cali Ileeye

Qoraa, abwaan, turjumaa iyo gorfeeye wax ka qora arrimaha suugaanta, diimaha, siyaasadda, horumarinta nafta iyo wacyiga.
​Rijaal Abdi Mohamed
Qoraa

​Rijaal Abdi Mohamed

Qoraa, falanqeeye siyaasadeed iyo cilmi-baare arrimaha bani’aadannimada.
Cabdinaasir Cali
Qoraa

Cabdinaasir Cali

Saxafi diiradda saara oo wax ka qora teknolojiyadda, xiriirka caalamiga ah, iyo dawladnimada Soomaaliya.