Ray Dalio waa maalgashade bilyaneer ah, oo reer Maraykan ah. Sida oo kale waa qoraa caan ah oo wax ka qora arrimaha ganacsiga, nolosha iyo siyaasadda. Isaga oo kaashanaya khibraddiisa dhanka maalgashiga, wuxuu qormadan ku sheegayaa inay dunidu gashay dagaal adduun:
Marka hore wanaag ayaan idiin rajaynayaa waayahan adag. Marka xiga sawirka aan ku sawirayo qormadani maaha ka aan doonayo inuu dhab noqdo, balse waa sawirka aan aamminsanahay inuu run yahay, aniga oo ka duulaya waxyaabaha aan bartay iyo waxay i tusayaan tilmaamayaasha aan adeegsanayo si aan arrimaha ugu eego si mawduuci ah.
Maadaama aan ahay maalgashade dhaqaalaha guud ee caalamiga ah muddo ka badan konton sanno, waxaan u baahday muddadaas inaan daraaseeyo arrimihii saameeyay suuqyada shantii boqol ee sanno ee ugu danbeeyay, si aan u ogaado sida aan ula dhaqmayo waxyaabaha halista ah ee ii soo dhowaada. Waxa ii muuqata dadka badankoodu inay diiradda saaraan waxyaabaha ilqabadka leh ee xilligan dhacaya, sida waxa ka socda Iiraan, iyo inay arrinkaas la falgalaan; balse waxa ka qarsoon wax ka wayn, ka muhiimsan, oo ka waqti dheer waxa taagan. Waxa ka qarsoon arrimaha riixaya dhacdooyinka jira, iyo dhacdooyinka la filayo inay yimaaddaan .
Waxa ugu muhiimsan maanta inaynu garanno dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan inuu yahay qayb ka mid ah dagaal caalami ah oo aynu galnay, kaas oo aan dhammaanayn dhowaan.
Hubaashii xaalka uu ku danbaynayo marrinka Hurmus wuxuu saamayn wayn ku yeelanayaa dhammaan dacallada dunida. Taas waxa ka muhiimsan maamulka marrinka miyaa laga wareejin doonaa Iiraan? Dawladahee ayaa se u diyaarsan inay intaas oo dhiig iyo dhaqaale ah ku bixiyaan xaqiijinta arrinkaas? Weydiimaha kale ee meesha ku jiraa waxay yihiin Iiraan ma sii xejisan doontaa awoodda ay u leedahay inay waxyeello gaadhsiiso deriskeeda iyada oo adeegsanaysa gantaallada, iyo inay ku hanjabto hubka nugliyeerka ah? Maraykanku se tiro ciidan ah oo intee leeg ayuu dirayaa? Maxay se samayn karaan?
Dhammaan arrimahan taagani waa muhiim, balse waxay dadka ka jeedinayaan arrimaha waaweyn ee muhiimka ah dhab ahaan. Si kale haddii aan u dhigo, dadka badankoodu waxay u janjeedhaan inay yeeshaan ogaalkan taaganta, waayo filashadoodu imika ayay ku jaango’an tahay. Sicirka suuqyadana waxa jaangooya filashada ah: dagaalkani waqti dheer ma soconayo, marka uu dhammaadana xaalku caadigiisii ayuu ku soo noqonayaa. Cidna kuma baraarugsana xaqiiqada ah inaynu joogno heerarkii bilawga ee dagaal adduun oo aan dhowaan dhammaanayn.
Aniguna maadaama aan xagashaas duwan wax ka arko, waxaan doonayaan inaan qormadan idiinku sharraxo arrimahaas waaweyn. Arrimaha waaweyn ee jira ee aan doonayo inaynu ku baraarugno waxay yihiin:
1) Dagaal adduun ayaynu galnay oo aan dhowaanahan dhammaanayn.
Inkasta oo qodobkan loo arki karo buunbuunin, haddana muran kuma jiro inaynu ku nool nahay caalam isku xidhiidhsan, oo ay ka socdaan dhawr dagaal oo hubaysani. Tusaale ahaan: dagaalka Ruushka-Yugrayn-Yurub-Maraykanka; dagaalka Yaman-Suudaan-Sucuudiga-Imaaraadka oo ay lugta kula jiraan Kuwayd, Masar, Urdun, iyo dalal kale; iyo dagaalka Maraykanka-Israa’iil-Khaliijka-Iiraan. Inta badan dagaalladan waxa ku jira dawlado nugliyeer leh oo waaweyn. Sida oo kale dagaalo waaweyn oo aan hubaysnayn ayay dhammaan dalalku ku jiraan, sida dagaallo ganacsi, kuwo dhaqaale, kuwo tignoolajiyadeed iyo kuwo juqasiyaasadeed.
Loollanadan oo laysku daray waxay ka dhigan yihiin dagaal adduun oo kalaasig ah, oo u dhigma “dagaalladii adduunka” ee hore. Tusaale ahaan, dagaalladii adduunka ee hore waxay ka koobnaayeen dagaallo xidhiidhsan oo ay dhammaan dawladuhu cagaha la soo galeen, iyaga oo aan lahayn taariikh bilaw oo cad, ama ogaysiis dagaal oo rasmi ah. Dagaalladaas hore waxay isugu biyashubteen dagaal adduun oo dhammaan dalalka saameeyay, taasi waa sida ay u socdaan dagaallada imiku.
2) Ahmiyadda fahanka isbahaysiyada iyo xidhiidhka dhinacyada
Way fududahay inaynu aragno isbahaysiyada caalamka iyo sida ay garabyadu isu raacsan yihiin, innaga oo ka tixraacayna heshiisyada iyo gaadhaanbuurtooda rasmiga ah, iyo codayntooda Qaramada Midoobay, iyo baaqyada hoggaankooda, iyo falalka ay sameeyaan. Tusaale ahaan, qofku wuu arki karaa sida ay isu raacsan yihiin Shiinaha iyo Ruushku, ama sida ay u wada socdaan Ruushka, Iiraan, Kuuriyada Waqooyi iyo Kuubba. Waxaynu aragnaa sida ay garabyadani uga soo horjeedaan inta badan Maraykanka iyo Yugrayn, oo iyaguna la socda badanka dawladaha Yurub, iyo Israa’iil, dawladaha Khaliijka, Jabbaan iyo Ustareeliya.
Isbahaysidani waa muhiim marka la doonayo in la fahmo tallaabooyinka ay qaadayaan dhinacyadani, iyo marka la doonayo in la fahmo waxa dhacaya iyo waxay u badan tahay inay dhacaan. Tusaale ahaan, waxaynu taas ka arki karnaa sida uu uga muuqdo habdhaqanka Shiinaha iyo Ruushka ee Qaramada Midoobay, ee arrinka la xidhiidha furista marinka Hurmus. Tusaale labaad, in kasta oo la yidhaahdo Shiinuhu si gaar ah ayuu ugu dhibban yahay xidhnaanta Marinka Hurmus, balse taasi dhab maaha, waayo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Iiraan ayaa u saamaxaya inuu gudbo shidaalka u socda Shiinuhu, sida oo kale xidhiidhka uu Shiinuhu la leeyahay ayaa u fududaynaya inuu shidaal ka helo Ruushka. Sida oo kale Shiinuhu wuxuu leeyahay ilo tamareed oo kale (sida dhuxusha iyo tamarta cadceedda). Waxa kale oo xusuusin mudan inuu Shiinuhu isticmaasho 80-90% waxsoosaarka shidaal ee Iiraan, taas oo xoojinaysa xidhiidhka ka dhexeeya labadooda. Iyada oo arrimahaas sare oo dhan maanka lagu hayo, waxay u muuqataa inay Shiinaha iyo Ruushku yihiin labada guulayste ee dhanka dhaqaalaha iyo juqasiyaasadeedka ee dagaalkan. Dhinaca shidaalka iyo tamartana, Maraykanka ayay libtu dhankiisa xigtaa, waayo waa dawlad tamarta dhoofisa.
Siyaabo kaladuwan ayaa loo qiyaasi karaa isbahaysiyada caalamka ka jira, iyada oo laga arki karo kaydka codaynta ee Qaramada Midoobay, xidhiidhada ganacsiga, iyo heshiisyada waaweyn ee ay wada galeen.
3) Ahmiyadda isbarbardhigga xaaladaha taariikheed iyo kuwa imika jira.
Diraasaynta xaaladaha taariikheed iyo barbardhigooda kuwa la midka ah ee imika jiraa, waa arrin ay dad dhif ahi sameeyaan, balse aniga waxay ii leedahay ahmiyad weyn, idinkana inay sidaas oo kale idiin tahay ayaa laga yaabaa. Tusaale ahaan, inaga oo baadhayna dhawr xaaladood oo hore oo kuwa imika la mid ah, iyo innaga oo maangalka adeegsanayna, waxa cad Maraykanka (oo ah awoodda gacanta ku haysa nidaamka caalamka tan iyo sannadkii 1945) in natiijadiisa dagaalka Iiraan (oo ah awood dhexe), iyo heerka hantida iyo agabka ciidanka ee uu ku bixindoono ama ku dhiigbixi doono, ama siduu u difaaco ama u difaaci waayayo xulafadiisa, ay u kuurgalayaan dawlado kale, waxaanu si weyn u saamayn doonaa sida loo beddelayo nidaamka caalamka. Taasna waxa ka sii muhiimsan, waxaynu ognahay dagaalka ay Maraykanka-Israaiil-iyo dawladaha Khaliijku ay kula jiraan Iiraan, inuu saamayn weyn ku yeelan doonaa dawladaha kale iyo waxay samayn doonaan (gaar ahaan dawlaha Aasiya iyo kuwa Yurub); taasina waxay raad weyn ku yeelan doontaa qaabka loo beddelayo nidaamka caalamka.
Isbeddeladaasi waxay u dhacayaan qaabab ay marar hore u dhaceen. Tusaale ahaan, marka taariikhda la diraaseeyo waxa si fudud loo qeexi karaa imbiraadooriyadihii aad isu balaadhiyay, waxaana la samayn karaa tusayaal caddaynaya heerka isbalaadhintooda, iyo sida ay isbalaadhintaasi ugu noqotay goljilic. Imika waxay socda marka la eegana, waxa la baadhi karaa sida uu Maraykanku u socdo, kaas oo imika ku leh in u dhexaysa 750 illaa 800 oo saldhig ciidan ah 70 illaa 80 dawladood, halka Shiinuhu uu ka leeyahay hal saldhig oo keliya. Awoodiisa quban dhammaan dacallada dunidu waxay Maraykan ku tahay xil culus iyo goljilic. Sida oo kale waxa cad dawladaha aadka isu balaadhiyay inaanay geli karin dagaal guulaystay oo laba jabhadood iyo ka badan ah, taasina waa ta laga shakisan yahay inuu Maraykanku awood u leeyahay inuu geli karo dagaal jabhad kale ah, sida Eeshiya ama Yurub.
Tani waxay igu riixaysaa inaan ka fikiro wuxuu uga dhigan yahay dagaalkan socda ee Iiraan guurguurka (dynamics) Aasiya iyo Yurub, iyo guurguurka Bariga Dhexe. Tusaale ahaan, layaab ma noqonayso haddii la arko dhibaatooyin ka curta Aasiya, kuwaas oo tijaabinaya ama daaha ka faydaya heerka diyaargarawga Maraykanka ee waajihidda caqabadaha. Tani way ku adkaan doontaa Maraykanka sababta oo ah xilka culus, dhiigbaxa iyo dadaalkiisa oo ku urursan Bariga Dhexe, iyo sida ay shacbiga Maraykanku uga soo horjeedaan dagaalka Iiraan, iyada oo ay waxyari ka hadhsan yihiin doorashooyinkii cusboonaysiinta ee kalabadhka teeramka, taasina waxay ka dhigaysaa dagaal jabhad kale ah mid aan waaqici ahayn.
Guurguurkani wuxuu keeni karaa in la fisho inay dawlado kale fiirsanayaan guurguurka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, kadibna ay xisaabo kale isku gaystaan, habdhaqankoodana ay u beddelaan hab qaabaynaya nidaamka caalamka. Tusaale ahaan, waa maangal hoggaamiyayaasha dalalka ay saldhigyada Maraykanku ku yaalaan, kuwaas oo filaya inuu Maraykanku difaaci doono, inay casharro habdhaqankooda beddela kala soo baxaan markay arkaan sida ay arrimuhu ku yihiin dawladaha Bariga Dhexe ee ay saldhigyada Maraykanku ku yaallaan, ee laga filayo inuu Maraykanku difaaco. Sida oo kale, qofku wuu fahmi karaa dawlad kasta oo u dhow marin ahmiyad istaraatiiji ah leh, ama dalkeeda ay ku yaallaan saldhigyada Maraykanku, ahna qayb caalamka ah oo uu loolan weyni ka dhici karo, sida Aasiya, oo uu ka dhici karo loolanka Maraykanka iyo Shiinuhu, inay casharro kala soo baxayaan natiijada dagaalka Iiraan.
Waxaan idiin caddaynayaa inuu fikirka noocan ahi hadda ka dhexsocdo hoggaamiyaaasha caalamka, waxa imika socdaana marar hore oo oo xilligan u dhigma ayay dhaceen. Xisaabahan ay rogrogayaan madaxda caalamku waa qayb ka mid ah taxane duug ah, oo ah tallaabooyinka keena dagaallada waaweyn, kuwaas oo hore u dhacay imikana dhacaya.
MEERTADA WEYN EE LOOLLANKA caalamiga ahi waa 13 tallaabo oo taxane ah, oo aan filayo inaynu hadda marayno tallaabadii 9aad. Waa kuwan tallaabooyinka taxanaha loollanka caalamiga ahi:
1. Hoosudhac ayaa ku yimaadda xoogga dhaqaale iyo ka milatari ee awoodda caalamiga ah ee jirta (sida Maraykan), marka loo eego awoodda caalamiga ah ee soo kacaysa (sida Shiinaha); markay labadaas awoodood isu soo dhowaadaanna waxay ku loolamayaan dhaqaalaha iyo milatariga.
2. Waxaa kordha dagaallada dhaqaale, sida cunaqabataynta maaliyadeed iyo go’doominta ganacsi.
3. Waxa samaysma isbahaysiyo dhaqaale, kuwo ciidan iyo kuwo fikirtooyo (aydhiyoolajiyadeed).
4. Waxa kordha dagaallada wakaaladeed.
5. Waxa kordha culaysyada maaliyadeed, isdhinka miisaaniyadeed iyo daynta; gaar ahaan dawladaha horseedka ah ee ku talaxtagay isbalaadhinta maaliyadeed.
6. Waxa kordha xuurtaysiga xukuumadaha ee warshadaha halbawlaha ah iyo tubaha badeecadgudbinta.
7. Waxa la hubeeyaa marinada cidhiidhiga ah ee ganacsiga.
8. Waxa la dhisaa tignoolajiyad dagaal oo cusub oo xooggan.
9. Waxa kordha loollanada masraxyada kaladuwan leh ee isku waqtiga ah.
10. Arrimaha gudaha dawladuhu waxay amraan in madaxda dalka loo hoggaansamo, waxaana la cabudhiyaa ciddi mucaarid ku ah dagaallada iyo siyaasadaha la xidhiidha. Waayo sida uu madaxweyne Lincoln ka soo xigtay Injiil: “guriga dhexdiisa qaybsani ma taagnaanayo” gaar ahaan marka xaalad dagaal lagu jiro.
11. Waxa dhaca dagaallo toos ah oo u dhexeeya awoodaha waaweyn.
12. Waxa kordha cashuuraha, qaadashada daymaha, iyo daabacaadda lacagaha; waxa kale oo la xakameeyaa sarifka lacagaha qalaad, raasamaalka, waxaana la sameeyaa faramaroojin lacageed si dagaallada loo maalgeliyo, xaladaha qaarna waxa la xidhaa suuqyada.
13. Gunaanadka hal dhinac ayaa guulaysta, waxaanu gacanta ku dhigaa nidaamka caalamka ee cusub, nidaamkaas oo ah mid uu guulaystuhu qaabaynayo.
Tilmaamayaal badan ayaan hayaa oo sheegaya inaynu marayno marxalad ka mid meertada weyn ee loollanka, oo ay burburayaan nidaamkii lacagta, qaar ka mid ah nidaamyadii siyaasadda ee gudaha, iyo nidaamkii juqasiyaasadeed ee caalamku. Tilmaamahani waxay sheegayaan inaynu ku jirno marxalad kalaguur ah oo qarka h saaran marxaladda dagaalka tooska ah. Waa marxalad si weyn ugu eg xilligii 1913-1914 iyo 1938-1939 ee ka horreeyay dagaalladii koowaad iyo labaad ee adduunka.
Tilmaamuhu waa kuwo hagayaal ah, balse maaha kuwo biyakamadhibcaan ah, oo goor iyo goob cayiman saadaalin kara. Tusaale ahaan, taariikhda waxaynu ka barannay guud ahaan inaanay dagaalladu lahayn xilli cayiman oo ay bilawdaan (marka laga reebo marar ay jiraan dhacdooyin dagaal oo waaweyn, oo ay ku xigaan bayaanno dagaal oo caddaan ahi, sida dilkii dhaxalsuge Feerdinaan, iyo duulaankii Jarmalku ku qaaday Boolaan, iyo duqayntii Biiral Haarbor). Waxa kale oo aynu ka barannay inay loollanada dhaqaale, kuwa maaliyadeed iyo kuwa milatari ay bilaabmaan iyada oo aan dagaal toos ahba lagu dhawaaqin.
Dagaallada waaweyn waxa inta badan ka horreeya dhaqdhaqaaqyo iyo saansaamo ay ka mid yihiin: 1) dhammaadka kaydka hubka iyo dhiiigbaxa dhaqaale; 2) tandhaafka miisaaniyadaha, daymaha, daabacaadda lacagaha iyo xeerarka raasamaalku; 3) u kuurgalka dawladaha tartanka kula jiraa ay ku sameeyaan dawladaha dagaalamaya, iyaga oo casharro kala soo baxaya goljilicdooda iyo baraha awoodooda; 4) dawladda horseedka ee isbalaadhinta xaddhaafka ah samaysay oo isku dayda inay awood ku waajahdo dagaallo jabhado kaladuwan ah.
Dhammaan tilmaamahani waa muhiim, halbeegyada aan saaray si aan xaalka caalamka u daraaseeyaana waxay i siinayaan natiijooyin walaac leh. Taariikhda meertada weyn ee loollanka inaga oo ka tilmaanqaadanayna marka marxaladdan la marayo loollanku wuu sii xoogaysanayaa ee ma yaraanayo. Sidaa darteed, dhacdooyinka soo socda waxa saamayn ku leh qaabka uu noqdo dagaalka Maraykanka iyo Iiraan. Tusaale ahaan, waxa jirta kalsooni la’aan ay dawladuhu ka qabaan inuu Maraykanku difaaci doono, sida oo kale waxa kordhay ogaalka dalalka ee ah inuu hubka nugliyeerka ahi yahay awood difaac iyo mid weerar oo weyn. Arrimahani waxay ku riixayaan madaxda dawladaha inay ka hadlaan helista hubka nugliyeerka ah, iyo inay dhistaan kaydad kale oo hub ah, gaar ahaanna gantaallada iyo nidaamyada difaaca gantaallada.
Mar kale aan ku celiyo e, ma lihi arrimuhu waxay si mahurto ah ugu socdaan dhanka dagaal caalami ah oo caam ah, waayo ma hubo waxa dhacaya, sida oo kale waxaan rajaynayaa caalam nabdoon oo ku dhisan xidhiidhka ah ‘‘aynu wada dheefno’’, iyo in aanay xaaladuhu u durkin dhinaca ‘‘aynu wada khasaarno’’. Laakiin heerkan aynu marayno, oo ka mid ah meertada weyn ee loollanka, oo ah heerka ka horreeya dagaallada waaweyn ee tooska ah, duruufaha ay ka mid yihiin khilaafyada waaweyn oo xal loo waayo, ayaa keena in loo gudbo heerka xiga ah oo ah xalka cunfiga ah.
Sida oo kale waxaan rumaysanahay inuu nidaamkii caalamku isbeddelay. Waxaynu ka gudubnay nidaam caalami ah oo ku dhisan xeerar, oo uu hoggaaminayo Maraykanka iyo xulafadiisu (sida Ururka Toddobada ah), waxaynan galnay nidaam caalami ah oo ku dhisan xeerkii kaynta ee ahaa “awoodda ayaa xaqa samaysa”. Waxa meesha ka baxday awoodii calanwalaynaysay, ee nidaamka ilaalinaysay, taasina waxay keenaysaa inaynu filanno dagaallo badan.
Qof kasta oo taariikhda si dhab ah u daraaseeyaa wuu garan karaa inuu nidaamkii caalamku imika noqday sidii uu ahaa xilliyadii ka horreeyay dagaalkii labaad ee adduunka 1945.
4) Dawladda ugu awoodda weyn ma guulaysato, balse waxa guulaysata dawladda ugu adkaysiga badan.
Dagaallada dawladda ugu awoodda weyni ma guulaysato, balse waxa guulaysata dawladda aan isdhiibin, ee xanuunka dagaalka u adkaysata muddada ugu dheer. Tusaale ahaan, markii uu Shiinuhu soo galay dagaalkii Kuuriya ee ka dhanka ahaa Maraykanka, xilligaas Shiinuhu wuxuu lahaa awood aad u yar, Maraykankuna wuxuu ahaa dawlad nugliyeer ku hubaysan. Waxa la sheegaa inuu xilligaas madaxweynihii Shiinaha ee Maw uu yidhi, “cadawgu ina ma dili karo dhammaanteen”, wuxuu uga jeeday cadawgu ma guulaysanayo inta ay jirto cid dagaalka sii wadaysaa. Sidaas oo kale waxaynu casharro kan la mid ah ka baran karnaa dagaalladii Fiidnaam, Ciraaq iyo Afgaanistaan.
In kasta oo uu Maraykanku yahay dawladda ugu awoodda badan caalamka, balse sida oo kale waa awoodda ugu weyn, ee dhinaca kalena ugu isbalaadhinta badan, ee ugu laciifsan inay muddo dheer xanuunka dagaalka u dulqaadato.
5) Wax kastaa waxay ku socdaan jidka meertada weyn ee loollanka
Loollanka dunida ka jira waxa riixaya shan awoodood oo waaweyn:
1. Lacagta, daynta, iyo dhaqaalaha oo ku wareegaya meertooyin waaweyn oo ah nidaam iyo fawdo maaliyadeed.
2. Burburka nidaamyada siyaasadeed iyo kuwa bulsho, sababta oo ah faraqyo waaweyn oo hantiyeed iyo kuwa qiyam ayaa samaysma.
3. Burburka nidaamyada gobol iyo kuwa caalamiga ah, sababta oo ah faraqyo waaweyn oo hantiyeed iyo kuwa qiyam ayaa samaysma.
4. Horumar weyn oo dhanka tignoolajiyadda ah ayaa la sameeyaa, kaas oo loo adeegsado dhanka nabadgalyada ama dagaalka. Horumarkaas tignoolajiyadeed waxa ka samaysma xunbooyin maaliyadeed oo aakhirka gudha.
5. Waxa kordha masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha iyo cudurrada faafa.
Imika waxa adduunka ka socda ama la filayaa 5 loollan, oo shanta sanno ee socda aan filayo inay sii xoogaysanayaan: waa dagaalka weyn ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, kaas oo sii kordhaya dhinacyadana dhiigbax iyo dhaqaale burbur ku ah; iyo dagaalka aan tooska ahayn ee u dhexeeya Ruushka iyo Naato ee Yugrayn ka socda, kaas oo aan filayo inuu sii balaadhan doono filasho ah 30-40%; iyo taagtaagga ka jira Taywaan ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha, kaas oo filashada korodhkiisu tahay 30-40% figtiisana gaadhi doona 2028; iyo filashada dagaal milatari oo la xidhiidha Kuuriyada Waqooyi kaas oo filashadiisu tahay 40-50%; ugu danbayntiina taagtaagga ka jira Badda Shiinaha ee Koonfureed ee u dhexeeya Shiinaha, Filibiin iyo Maraykanka, kaas oo filashada korodhkiisu yahay 30%.
Shanta sanno ee soo socda dagaalada la filayo mid ka mid ahi inuu qarxaa waxay ka badan tahay 50%.