U bood dhigaalka

Maxaa Puntland loogu Loollamaya?

Ogoosto 29, 2026

Puntland iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa muddo dheer ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo soo noqnoqday, kaas oo mararka qaar ka gudbay muran siyaasadeed oo qura, una gudbay loollan ku saabsan awood qaybsiga khayraadka, dheellitirka siyaasadeed ee dalka, dastuurka iyo jihada uu dalku aadayo. Puntland oo ah maamulkii koowaad ee qayb ka noqda nidaamka federaalka ah ayaa maanta wajahaya cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah. Haddaba, weydiimaha taagan waxay yihiin, maxaa Puntland ka dhigaya goob si weyn loogu loollamo? Maxay Dawladda Federaalka ahi ka doonaysaa? Puntland se maxay u heli la’dahay ciidamo midaysan?

Sidee Puntland ku dhalatay?

Ogosto 1998, waxaa Garoowe lagu yagleelay dhismaha maamulgoboleedka Somaaliyeed ee Puntland, oo ka koobnayd gobollada Bari, Sanaag, Nugaal, Mudug, Sool iyo degmada Buuhoodle. Somaaaliya oo xilligaas wajahaysay dagaallo sokeeye oo daran, hubka oo galay gacanta shacabka iyo qabaa’ilka oo si daran ugu hardamayay awoodda ayaa waxay keentay in ay Puntland ka dhalato duruuftaas cakiran. Waxaana Puntland ududhexaad u ahaa kala nabad gelidda bulshada ku wada nool gudaha gobollada lagu dhisay ee loo yaqaanay Waqooyi Bari oo lagu daray Sanaag, Sool iyo Buuhoodle iyo in ay helaan maamul ilaaliya xuduudaha dhulkooda.

Sida ku cad axdigii kowaad ee Puntland lagu dhisay, Garoowe waxa ay baadigoobaysay sidii lagu heli lahaa dawlad Somaaliyeed oo federaal ah, oo aysan awooddu oolin hal meel, taas oo caddaynaysa in ay Puntland raadinayso nidaam awooduhu qaybsan yihiin. Puntland ayaana sidoo kale siyaabo kala duwan u taageeraysay dawladihii kumeelgaarka ahaa ee soo maray dalka, sida dawladdii Cabdulaahi Yuusuf oo ay siin jirtay kab dhaqaale iyo taageero ciidan ilaa laga soo gaaray xiligii ay Muqdisho ka baxday kumeelgaarka, kolkaas oo uu xoogaystay khilaafka u dhaxeeya Garoowe iyo Muqdisho.

Kolkii ay Dawladda Soomaaliya ka baxdey kumeelgaarka ayna dhalatay Dawladda Federaalka ah sannadkii 2012, waxaa xoogaystay khilaafaad iyo hardan u dhaxeeya maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka ah, kuwaas oo ay u waaweynaayeen qaybsiga khayraadka, dadaajinta awoodda iyo dhulka. Hardanka dhuleed waxaa sii kordhiyay magaalada Gaalkacyo oo ay sanadahaas Dawladda Federaalku ay qayb ka mid ah ka dhistay maamulka Galmudug, Puntlandna ay qaadacday dhismaha maamulkaas, sidoo kalena ay xiriirkii wada shaqayn u jartay Dawladda Federaalka ah Diiseembar, 2014.

Laba sano kadibna waxaa ka dhashay magaalada Gaalkacyo dagaalo sokeeye oo u dhexeeyay Galmudug iyo Puntland, Garoowane waxa ay ku eedaysay in ay dagaalka hurinayso Dawladda Federaalku. Tan iyo xiligaasna khilaafku hadba heer ayaa uu soo taagnaa.

Maxay tahay doonista Dawladda Federaalku?

Markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud yimid Villa Somaaliya May, 2022, waxaa uu inbadan ku dooday in dalku aadaayo doorashooyin qof iyo cod ah oo awoodda dib loogu celinayo dadka iyo in dastuurka la dhammaystirayo lagana gudbayo marxaladdii qabyo qoraalka, taas oo ay Puntland walaac ka muujisay billowgii horeba. Dawladda Federaalka ahi dhinaceeda waxa ay arrintan ku fasiraysaa in aanay ahayn loollan lagu wiiqayo Puntland, balse ay tahay dadaal lagu dhisayo dawlad federaal ah oo leh awood qaran oo midaysan, dastuur dhammaystiran iyo ciidan qaran oo ka madax bannaan maamulgoboleedyada.

Muqdisho waxay sidoo kale ku doodaysaa in doorashada qof iyo cod iyo dhamaystirka dastuurku ay yihiin tallaabooyin lagu xoojinayo awoodda shacabka iyo hay’adaha qaranka.

Garoowa se waxay arrintan u aragtaa si ka duwan. Waxay ku doodaysaa in isbeddellada dastuurka iyo qaabka loo wajahayo awood qaybsiga ay Dawladda Federaalka ah siinayaan awood ka badan tii lagu heshiiyay, taas oo dhaawici karta mabda’a federaalka iyo awoodaha maamulgoboleedyada.

Maarso, 2026, labada gole ee baarlamaanka ayaa ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurkii kumeelgaarka ahaa, sidoo kale waxa ay ansixiyeen lix qodob oo ku kala jira cutubyada 2aad iyo 4aad, kolkaas guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay wax-ka-beddelka dastuurka, isla markaana nuqulkani uu noqon doono dastuurka rasmiga ah ee dalka, 8dii Maarsona madaxweynaha ayaa saxiixay. Puntland waa ay ka soo horjeesatay, waxaana ay sheegtay in ay aqoonsan tahay dastuurkii kumeelgaarka ahaa ee lagu heshiiyay 2012.

Tan iyo 2022 waxa la saxiixay shan heshiis siyaasadeed oo kala ah awood qaybsiga, nooca garsoorka, federaalaynta maaliyadda, doorashooyinka iyo naqshadda amniga qaranka, heshiisyadan oo asaas u noqday dib u eegista dastuurka la isku khilaafsan yahay. Puntland dhammaan waa ay qaadacday oo ma aysan saxiixin, madaama oo ay u arkaysay in ay awood badan siinayaan Dawladda Federaalka ah.

Hardanka Ciidamada

Safarkii iyo soodhoweyntii Xasan Shiikh Maxamuud ee Laascanood waxa qayb ka noqday ciidamo sheegay markii koowaad in ay qayb ka yihiin CXS oo fadhiyadoodu kala ahaa magaaloyinka Boosaaso iyo Garoowe. Jimcaale Takar oo maamula ururka Danab ayaa xilligaas warbaahinta u sheegay in uu madaxweynihiisu yahay Firdhiye, tan iyo xiligaas waxaa iska soo daba dhacayay in ciidamo badan oo Puntland gudaheeda ku sugani ay Federaalka iska dhiibaan, Dawladda Federaalkuna waxa ay bilooyin dhawr ah fasaxday mushaharaadka ciidamadaasi. Raysalwasaaraha Somaaliyana waxa uu madal uu joogay bishii todobaad ka sheegay in ay ciidamo qoranayaan isaga oo ka jawabay hadal ka soo yeeray Puntland waxana uu yiri, “Ama diid ama yeel kun baa ka hadli, labaa ka hadli, toban kun, labaatan kun, sodon kun baanu qori waana siinaynaa xuquuqdooda, isdilaaci aduu’’.

Maalmo kadib waxa ay Dawladda Federaalka ah ee Somaaliya magacowday Taliyaha qaybta 54aad ee ciidanka xooga Somaaliyeed oo la siiyay Jimcaale Takar kaas oo fadhigiisu noqonayo xerada Ligle ee magaalada Garoowe, taliska ayaana maamulaya ciidamada xoogga Somaaliyeed ee ku kala sugan maamullada Puntland iyo Waqooyi Bari, magacaabistaasina waxa ay noqotay tii ugu horeysay ee Muqdisho ka timaada wixii ka danbeeyay 1991.

Julay 21, Puntland ayaa jidka ka xirtay ciidamada PSF oo ka soo baxay magaalada Boosaso una socday xero ay ku leeyihiin magaalada Gaalkacyo, dagaal kooban kaddib waxa ay Puntland gacanta ku dhigtay 8 gaari iyo askar kooban, Ogoosto 5-na Puntland waxa ay gebi ahaanba gacanta ku dhigay xeradii PSF ee Gaalkacyo, afar maalin kaddibna waxa ay ciidamo ka dabagaysay ciidanka difaaca Calmiskaad oo fadhiisin ka dhigtay inta u dhaxaysay degmooyinka Rakoraaxo iyo Xumbays ee gobolka Karkaar oo ugu danbayn wadahadal isugu soo dhiibay Puntland. Sidoo kale waxaa wadahadal isugu soo dhiibay Puntland ciidamo ku sugnaa Xero Istaanbuul Gaalkacayo iyo Jimcaale oo isaguna xeradii Ligle ku wareejiyay Puntland, sidaasna waxa ku soo gabagaboobay ciidamadii ku sugnaa gudaha Puntland ee ka mushahaar qaadanayay Federaalka.

Maxaa loogu loollamayaa Puntland?

Puntland waa maamul dhaca mid ka mid ah bogcadaha ugu muhiimsan ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uu isku xiraa labada badood ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed taas oo ka dhigan in kala bar xeebaha Somaaliya ay maamusho Puntland, sidoo kale Puntland waxa ay leedahay khayraad muhiim ah oo ay ka mid yihiin dahabka, xijiga, beeraha, xoolaha nool iyo kalluunka oo uu gobolkani qani ku yahay. Puntland waxa ay 28 sanno ee ay jirtay ilaashatay amnigeeda gudaha iyadoo maamusha in kabadan 1000km oo si amni ah loogu safri karo gudaha dhulkeeda, waxa ay gashay dagaallo waaweyn oo ay ku wajahday ururrada Daacish iyo Alshabaab oo ku dagaalamay buuralayda Calmiskaad iyo Calmadow kuwaas oo ay qaarkood guul ka gaartay. Bogcaddaas muhiimka ah ee ay dhacdo iyo qaangaarnimada maamul oo siinaya miisaan siyaasadeed juquraafi iyo dhaqaale ayaa ka dhigaya in Puntland ay isku aragto maamul leh awood gaar ah, ayna wajahdo loollan adag oo ka imanaya Dawladda Federaalka ah ee Somaaliya tan iyo 2012.

Halka uu khilaafku salka ku hayo ayaa ah in aan weli si cad loo qeexin qaabdhismeedka federaalka, awood noocee ah ayay Dawladda Federaalku leedahay, awood noocee ah ayuu leeyahay maamulgoboleedku? Inta aan su’aashaas si cad looga heshiin, loollanka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe wuxuu sii ahaanayaa mid ka weyn khilaaf siyaasadeed oo xilli gaar ah taagan, wuxuu taabanayaa qaabka ay Soomaaliya u qaybsanayso awoodda iyo mustaqbalka federaalnimadeeda.

W/Q: Xasan Waaberi

Saxafi