U bood dhigaalka

SODMA: Ma Maareynta Musiibada mise Musiibo Maareyn u baahan?

Maarso 24, 2026

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA), oo markii hore loo aasaasay inay noqoto gaashaanka dadka Soomaaliyeed xilliyada dhibaatooyinka dabiiciga ah, waxay maanta u muuqataa mid ku dhex jirta mugdi iyo eedeymo culus oo la xiriira Musuq maasuq iyo Xisaabcelin la’aan.

Inkasta oo ay jiraan malaayiin muwaadiniin ah oo qarka u saaran macaluul iyo biyo yari, haddana waxa ay hay’addu dhexda ka fariisatay eedeymo sheegaya in gargaarkii loogu talagalay dadka tabaalaysan ay ku xiratay Bakhaaro ku yaalla magaalada Muqdisho si xilliggaan kala guurka looga faaideysto oo suuqa loo geeyo.

Arrinta ugu yaabka badan waxay tahay deeqdii dhowaan ka timid dawladda Shiinaha, taas oo isugu jirtay lacag caddaan ah oo gaaraysa laba milyan oo doolar iyo raashin isla cadadkaas la mid ah aysan wali cadeyn halka la geeyay.

Inkasta oo madaxda sare ee SODMA ay ballanqaadeen in gargaarkaas si degdeg ah loo gaarsiin doono dadka abaaruhu saameeyeen, haddana laba toddobaad ka dib, weli ma muuqato raad dhab ah oo muujinaya in gargaarkaas uu gaaray dadkii u dhimanayay harraadka iyo gaajada.

Sidoo kale, mashruucii gargaarka ee dawladda Qadar kaas oo loogu talagalay lix kun oo qoys bishii Ramadaan, wuxuu noqday mid ku soo ururay sawirradii maalintii daahfurka. Maalintaas ka dib, markii laga qaybiyay raashin yar xarunta agoonta ciidanka, waxaa la waayay raadkii mashruucaas. Maaddaama bishii barakeysneyd ee Ramadaan ay dhammaatay, bulshadu waxay iswaydiinaysaa haddii gargaarkaas la lunsaday, iyo sababta ay hay’addu uga aammusan tahay natiijada mashruucaas ballaarnaa.

Aamin-baxa ka dhashay maamul-xumada SODMA waxa uu horseeday in shirkadihii waaweynaa ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay dhabarka u ridaan kaalintii hay’adda.

Waxay noqotay wax lala yaabo in shirkadaha ganacsiga ay doortaan inay iyagu gacantooda ku qaybiyaan gargaarka, halkii ay ku aamin lahaayeen hay’adda qaranka. Tani waa markhaati cad oo muujinaysa in kalsoonidii shacabka ay gabi ahaanba luntay.

Xitaa akoonadii bangiyada ee ay hay’addu u furtay tabarrucaadka dadweynaha, ilaa hadda ma jirto wax warbixin ah oo laga bixiyay inta lacag ee ku soo xarootay iyo halka lagu bixiyay, taas oo dhalisay in dhalinyaro is-xilqaantay oo bulshadu aaminsan tahay ay la wareegaan shaqadii looga fadhiyay hay’adda.

Ugu dambayn, haddii maareynta musiibadu tahay in lala tacaalo baahida jirta lagana hortago kuwa soo socda, SODMA waxay ku fashilantay labadaba. Halkii laga fikiri lahaa qodista ceelal waara iyo taageerada beeralayda si looga baxo abaaraha soo noqnoqda, hay’addu waxay ku mashquushay ururinta deeqo aan gaarsiisnayn dadka u baahan.

Sida uu horay u sheegay baarlamaanka Soomaaliya, SODMA waxay halis ugu jirtaa inay noqoto saldhigga musuqmaasuqa dalka, haddii aan si degdeg ah wax looga beddelin hoggaankeeda iyo nidaamka ay u maamusho hantida loogu talagalay dadka tabaalaysan.

Su’aasha taagan ayaa ah: yaa mas’uul ka ah nafta muwaadinka u dhinta gaajo isaga oo og in qasnadaha dawladda ay ku jirto malaayiin doolar oo loogu talagalay badbaadadiisa? Dayactirka bakhaarrada ee ay hay’addu ku faanayso ma noqon karo marmarsiinyo lagu haysto raashin loo baahan yahay maanta, waayo gargaarku wuxuu u baahan yahay qaybin ee uma baahna kaydin xilli dadku ay dhimanayaan.