Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Turkey, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Bariga Dhexe, isagoo cambaareeyay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, kuna tilmaamay duullaan si toos ah loogu beegsanayo dalalka Islaamka.
Erdogan ayaa sheegay in ficillada dowladda uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu aysan ku koobnayn Iiraan oo keliya, balse ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo uu ku sheegay in lagu doonayo in lagu ballaariyo saameynta Israa’iil ee gobolka.
“Xukuumadda Netanyahu ma beegsanayso oo keliya Iiraan, sidoo kale waxay si tartiib tartiib ah u fulinaysaa qorshayaasheeda ku wajahan qabsashada Lebanon iyo dhulal kale oo ay leeyihiin muslimiintu,” ayuu yiri Erdogan.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan ay sii kordheyso, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaalku ku fido dalal kale oo gobolka ah.
Dowladda Turkiga ayaa horey u muujisay walaac ku aaddan colaadaha ka socda Bariga Dhexe, waxayna ku baaqday in xal diblomaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafaadka jira.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamaya in hadalka Erdogan uu muujinayo mowqifka adag ee Ankara ka qaadatay arrimaha gobolka, gaar ahaan marka ay timaado ilaalinta danaha dalalka Islaamka iyo xasilloonida guud ee Bariga Dhexe.