Noloshiisa iyo Waxbarashadiisa
Iiraan ayaa shalay Madax Amniga Qaranka u magacowday Maxamed Baghar, ka dib geeridii Cali Larijani. Maxamed Baghar waxa uu ku dhashay gobolka Faaris oo dhaca koonfurta Iiraan sannadkii 1954tii. Heerka kowaad ee jaamacadda culuumta dhaqaalaha ayuu ka diyaariyay Jaamacadda Tehraan, ka dib heerka labaad ee mastarka iyo kan seddexaad iyo PhD-da ka daraaseeyay maamulka dawliga ah iyo xeeladaha maamulka.
Waaya-aragnimadiisa Ciidanka
Sannadkii 1979kii ayuu ku biiray ciidanka ilaalada kacaanka, ka dib kacaankii Iiraan. Muddadii uu socday dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq sannadkii 1980-1988 ayuu noqday hoggaanka tababarrada ciidanka, isaga oo uga sii gudbay hoggaanka xarumaha Ramasaan oo qaabilsan dagaallada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah. Markii uu soo idlaaday dagaalkii Ciraaq ayaa loo magacaabay madaxa ciidanka iskudhafka ah ee Iiraan, waxa uuna xilkaas hayay muddo siddeed sano ah, waxa uu noqday Taliye-ku-xigeenka Guud ee Ciidanka Ilaalada Iiraan, muddo isla siddeed sano ah.
Waaya-aragnimadiisa Dhanka Amniga
Waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin:
• Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha
• Kuxigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida
• Lataliyaha Guddoomiyaha Garsoorka ee Arrimaha Kahortagga Denbiyada
Xilalka sare
Tan iyo sannadkii 2022, waxa uu ahaa Xoghayaha Golaha Go’aaminta Maslaxadda Nidaamka Dalka Iiraan, waa hay’adda xalisa khilaafaadka soo kala dhexgala Baarlamaanka iyo Golaha Dastuurka. Hay’addan oo leh awoodda oggolaashaha iyo diidmada ugu danbaysa (fiitooga) ee sharciyada iyo kormeerka doorashooyinka.
Ugu danbayntii, shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 24kii Maarso ayaa loo magacaabay Xoghaya Golaha Sare ee Amniga Qaranka, isaga oo beddelay Cali Larijani oo dhowaan ay duqayn ku dishay Israaiil.