U bood dhigaalka

32 Meyd oo laga helay Xabaal-wadareed ku taal Kericho, Kenya

Maarso 28, 2026

​Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa baaritaan ballaaran ka bilaabay magaalada Kericho ka dib markii halkaas laga helay xabaal-wadareed ay ku jiraan meydadka soddon iyo labo qof.

Dhacdadan oo naxdin weyn ku abuurtay bulshada ayaa lagu ogaaday in toddobo ka mid ah dadka dhintay ay yihiin dad qaangaar ah, halka shan iyo labaatan kalena ay yihiin carruur isugu jira kuwo dhashay iyo uur-jiifyo.

Meydadka ayaa la sheegay in lagu riday jawaanno, iyadoo qaarkoodna jirkooda la googooyey ka hor inta aan la aasin.

​Booliska ayaa goobtan helay afar maalmood ka hor ka dib markii ay heleen xog ku saabsan dad aan haybtooda la garanayn oo si qarsoodi ah dadkaas u aasayay.

Dhacdadan ayaa dib u soo xasuusisay dhibaatadii ka dhacday kaynta Shakahola saddex sano ka hor, halkaas oo laga soo saaray boqolaal meydad ah oo lala xiriiriyey kooxo diimeed.