Madaxweynaha xilka haya ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo maamulkaas afarta sano ee soo socota, kadib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Baydhabo.
Doorashadan oo ay ka qayb galeen xildhibaanada dhowaan la dhaariyay ee Baarlamaanka 3-aad, ayaa la sheegay inuu ku guuleystay codad gaaraya 66 mudane, taas oo ka dhigan inuu helay aqlabiyadda looga baahnaa guusha.
Guushan ayaa timid xilli ay socotay doorasho ay inta badan dadka odorosa siyaasadda u arkayeen mid hal dhinac ah, maadaama hannaanka xulista xildhibaanada iyo hoggaanka baarlamaankaba ay ahaayeen kuwo si weyn ugu dhow madaxweynaha.
Mucaaradka oo horey u qaadacay dhismaha baarlamaanka cusub ayaa ku tilmaamay geedi-socodkan mid uu Madaxweyne Laftagareen “is-doortay”, iyagoo sheegay inaan loo marin waddo loo dhan yahay oo lagu qanco.