U bood dhigaalka

Ciidanka Mareykanka oo khasaare xooggani ka soo gaaray Weerar ay Iiraan ku qaaday saldhig ay ku leeyihiin Sucuudiga

Maarso 28, 2026

Ugu yaraan 12 askari oo Mareykan ah ayaa ku dhaawacmay weerar milatari oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Prince Sultan Air Base ee dalka Sacuudiga, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanku.

Laba ka mid ah askartaas ayaa la xaqiijiyay inay qabaan dhaawacyo culus, sida ay sheegeen saraakiishu, wuxuuna weerarku dhacay maalintii Jimcaha.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, kaasoo bilowday 28-kii Febraayo.

Tirada askarta Mareykanka ee ku dhaawacantay dagaalkan ayaa hadda kor u dhaaftay 300, sida ay sheegeen ilo rasmi ah oo dhinaca ammaanka ahi.

Horey militariga Mareykanka ayaa u sheegay in 273 askari oo ka mid ah kuwii dhaawacmay ay mar kale ku laabteen shaqadooda kadib markii ay heleen daryeel caafimaad.

Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan 13 askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay dagaalkan ilaa iyo hadda, ayadoo wararkii ugu dambeeyay uu muujinaya in xaaladda gobolka ay sii adkaanayso, iyadoo weerarro iyo jawaabo isdaba joog ah ay kordhinayaan khatarta colaadeed.