U bood dhigaalka

DFS oo ku Tilmaantay Doorashadii Baydhabo ‘Is-magacaabid Sharci-darro ah’ kana Baxsan Dastuurka”

Maarso 28, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay bayaan kulul oo ay si weyn ugu naqdisay habraaca iyo natiijada doorashooyinkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid ka baxsan sharciga, iyadoo ku sifeysay “is-magacaabid hore loo sii qorsheeyey” oo aan ka tarjumayn rabitaanka dhabta ah ee shacabka deegaankaas.

​Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa lagu xusay in hannaanka lagu soo afjaray doorashada oo qaatay wax ka yar 24 saacadood uu yahay mid meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda iyo tartanka xorta ah.

Dowladda Federaalku waxay caddeysay in habraacaas oo ka fog hufnaanta aan loo aqoonsan karin doorasho waafaqsan dastuurka dalka iyo heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo ka digtay in tallaabadan ay sii hurinayso tabashooyinkii hore u jiray, isla markaana ay dhaawacayso dadaallada dib-u-heshiisiinta ee dalka laga waday.