Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow oo feejignaan leh ula socdaan dhacdooyinka siyaasadeed ee dib uga soo cusboonaaday deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Qaramada Midoobay waxay ku adkaysatay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xalkoodu ku jiro oo kaliya wadahadal horseeda isfaham dhab ah, iyadoo dhinacyada looga digay inay qaadaan tallaabooyin ka baxsan miiska wada xaajoodka.
Dhinaca kale, UNTMIS waxay muujisay walaac qoto dheer oo ku saabsan sida xiisadahan sii kordhaya ay khatar ugu yihiin xasilloonida dalka, amniga guud, midnimada iyo weliba xaaladda bini’aadantinimo ee dadka Soomaaliyeed.
Waxay ku baaqeen in si degdeg ah la isugu yimaado wadahadal miro-dhal ah, iyadoo si gaar ah looga digay wax kasta oo sababi kara iska horimaad hubaysan oo horseedi kara dib-u-dhac iyo barakac hor leh.