U bood dhigaalka

Pakistan oo sheegtay inay marti-gelinayso wada-hadallo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan

Maarso 30, 2026

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay diyaarinayso martigelinta wada-hadallo macno leh oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, xilli xiisaddu ay cirka isku shareertay guud ahaan Bariga Dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu noqdo goob dhexdhexaad ah oo lagu qabto wada-hadallo u dhexeeya Washington iyo Tehran, inkastoo weli aysan si rasmi ah u xaqiijin ka qaybgalka labada dhinac.

Pakistan ayaa horey u billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kula shaqeynayso dalal ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar, si loo dejiyo xiisadda loona helo xal siyaasadeed oo waara.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa sii murugsan kadib markii Iiraan ay ku eedeysay Maraykanka inuu si qarsoodi ah u qorsheynayo weerar dhulka ah, iyadoo isla mar ahaantaana uu ka hadlayo suurtagalnimada wada-hadallo nabadeed.

Mas’uuliyiin Iiraani ah ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay si adag uga jawaabaan weerar kasta oo dhulka ah, taasoo sare u qaadday cabsi laga qabo in dagaalku isu beddelo mid ballaaran oo gobolka oo dhan saameeya.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa la sheegay inuu diyaarinayo qorshayaal militari oo ay ku jiraan weerarro xaddidan iyo suurtagalnimada hawlgallo dhulka ah, inkastoo uu weli muujinayo inuu u furan yahay xal diblomaasiyadeed.

Dagaalkan oo socday ku dhawaad bil ayaa sababay khasaaro naf iyo maalba leh, isla markaana hakad geliyay marinnada muhiimka ah ee ganacsiga sida marinka Hormuz, oo muhiim u ah sahayda shidaalka caalamka.