U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo sheegtay inay howlgab noqatay mid kamid ah warshadihii laf-dhabarta u ahaa nukliyeerka Iiraan

Maarso 30, 2026

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in warshadda biyaha culus ee Khondab ee dalka Iiraan ay gebi ahaanba joojisay shaqadii kadib markii uu soo gaaray burbur xooggan oo ka dhashay weerar ay Israa’iil ku qaaday 27-kii  bishan Maarso.

Warbixinta hay’adda ayaa tilmaamtay in goobtaasi ay ka mid tahay xarumaha muhiimka u ah barnaamijyada nukliyeerka, maadaama biyaha culus loo adeegsado hawlgalka iyo soo saarista walxo sida plutonium.

IAEA waxay xaqiijisay in warshaddu aysan hadda shaqayn karin, iyadoo dhaawaca soo gaaray uu si weyn u saameeyay kaabayaasha muhiimka ah ee goobta.

Weerarka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xarumo kale oo muhiim ah oo la xiriira kaabayaasha nukliyeerka ee dalka Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay caddeysay in warshadda Khondab aysan waqtiga weerarka ku jirin wax walxo nukliyeer ah oo la diiwaangeliyay, taasoo meesha ka saaraysa khatar kasta oo shucaac ah oo ku iman karta deegaanka iyo shacabka ku nool halkaas.

Weerarkan ayaa qeyb ka ahaa dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan, kaas oo bartilmaameedsanaya xarumaha militari iyo kuwa nukliyeerka, iyadoo labada dhinac ay sii kordhinayaan weerarrada is-dhaafsiga ah.

Burburka warshadda Khondab ayaa loo arkaa dharbaaxo weyn oo ku dhacday kaabayaasha nukliyeerka ee Iiraan, inkastoo aysan jirin wax khatar shucaac ah, balse Iiraan weli ma xaqiijin xogta arrintan la xariirta.