Khasaaraha dhimasho ee Iiraan ka soo gaaray dagaalka ay kula jirto Mareykanka iyo maamulka Israa’iil ayaa la shaaciyay, ayadoo tiradu ay aad u badantahay marka la eego mudada uu dagaalku socday.
Ururka International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka socda Iiraan uu gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo la diiwaangeliyay in ka badan 1,900 oo qof oo dhimasho ah, halka in ka badan 21,000 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii ay billowdeen weerarrada ay fuliyaan Mareykanka iyo Israa’iil.
Warbixin uu soo saaray xafiiska ururka ee Iiraan ayaa lagu sheegay in xaaladda bani’aadannimo ay si weyn uga sii darayso, iyadoo isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ay la tacaalayaan culays aad u weyn oo ka dhashay tirada badan ee dhaawacyada.
Waxaa sidoo kale la xusay in baahida loo qabo adeegyada caafimaad, dhiig, qalab caafimaad iyo dawooyin ay si degdeg ah u kordhayaan.
“Xaaladdu waa mid aad u daran, waxaana sii kordhaya dadka u baahan gargaar caafimaad oo degdeg ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ururka.
Kooxaha gurmadka ee IFRCR oo kaashanaya la-hawlgalayaashooda gudaha ayaa ku howlan bixinta daryeel degdeg ah iyo gaarsiinta gargaar meelaha ay dhibaatadu sida weyn u saameysay.
Warbixintan ayaa imaneysa iyadoo xiisadda gobolka ay cirka isku shareertay, isla markaana ay jirto walaac sii kordhaya oo ku saabsan saameynta dagaalka ee shacabka rayidka ah.