Madaxweynaha Donald Trump ayaa si adag uga hadlay xaaladda sii cakirmaysa ee Bariga Dhexe, isaga oo hanjabaad culus u diray dowladda Iiraan.
Trump ayaa sheegay in Iuraan ay haysato 48 saacadood oo keliya si ay dib ugu furto marinka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, kaas oo muhiim u ah isu socodka shidaalka caalamka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in haddii aysan Iiraan fulin dalabkaas, ay la kulmi doonto cawaaqib xun ama waxa uu ku tilmaamay “cadaab aan hore loo arag.”
Hadalka Trump ayaa imanaya xilli xiisadaha gobolka ay cirka isku shareereen, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in isku dhacyo militari iyo weerarro isdaba joog ah ay ka socdaan qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.
Marinka Hormuz ayaa ah halbowlaha ugu weyn ee gooshidda maraakiibta shidaalka qaada, waxaana xiritaankiisu si weyn u saameeyay dhaqaalaha caalamka, balse Iiraan hadda uma muuqato inay u hoggaansamayso amarka Trump.