U bood dhigaalka

Israa’iil oo qorsheynaysa weerar ka dhan ah xarumaha tamarta Iiraan

Abriil 5, 2026

Maamulka Israa’iil ayaa la sheegay inuu diyaarinayo weerar ka dhan ah xarumaha tamarta ee Iiraan, balse ay sugayso oggolaansho rasmi ah oo ka timaadda Mareykanka, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Israa’iil.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in haddii weerarkaasi la isku raaco, ay suuragal tahay inuu dhaco toddobaadka soo socda, iyadoo xiisadda gobolka ay si xawli ah u sii kordhayso.

Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si kulul ugu hanjabay Iiraan, isagoo sheegay in dalkaasi uu haysto 48 saacadood oo keliya si uu heshiis uga gaaro furitaanka marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, haddii kale uu wajihi doono cawaaqib daran.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku yiri: “Waqtigu wuu sii dhammaanayaa, 48 saacadood gudahood waxaa dhici doona wax aad u daran,” isagoo intaas ku daray hadal uu ku muujinayo hanjabaad adag.

Hanjabaadaha Madaxweynaha ayaa daba socda digniino hore oo uu bixiyay 21-kii Maarso, markaas oo uu sheegay inuu baabi’in doono warshadaha korontada Iiraan, gaar ahaan kuwa ugu waaweyn, haddii Iiraan aysan si buuxda oo aan shuruud lahayn u furin marin-biyoodka Hormuz.

Si kastaba ha ahaatee, laba maalmood kadib, Trump ayaa sheegay in wada-hadallo wanaagsan oo wax ku ool ah ay la yeesheen masuuliyiinta Iiraan, taasoo keentay in dib loo dhigo qorshihii weerarka muddo shan maalmood ah.

Xiisaddan cusub ayaa imanaysa iyadoo horeyba uu u jiray iska horimaad militari oo u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil iyo Mareykanka oo isku dhinac ah, kaasoo ku isugu jira weerarro gantaallo ah iyo jawaabo isdaba joog ah oo ka socda labada dhinac.