Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan hawlgallo militari oo uu sheegay in ay ka dhaceen gudaha dalka Iiraan, isagoo tilmaamay in ciidamada Maraykanku ay ku guuleysteen laba hawl-gal oo khatar sare lahaa oo lagu soo badbaadiyey shaqaale diyaaradeed.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa bulshada, wuxuu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ay ka soo badbaadiyeen sarkaal aad u geesi ah oo ahaa duuliye diyaarad F-15 ah, kaas oo uu sheegay in uu ku dhaawacmay aagga buuraha gudaha Iiraan.
Wuxuu intaa ku daray in ciidanka Iiraan ay si weyn u baadi-goobayeen sarkaalkaas, islamarkaana ay u soo dhowaayeen qabashadiisa.
Qoraalka ayuu ku sheegay in sarkaalkaasi uu yahay “Colonel aad loo ixtiraamo,” ayna adagtahay in hawlgallada noocan oo kale ah la sameeyo maadaama ay khatar ku yihiin rag iyo qalab labadaba.
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal labaad oo lagu magacaabo “broad daylight” lagu soo badbaadiyey duuliye kale, iyadoo ciidamada Maraykanka ay hawada sare ku sugnaayeen muddo todobo saacadood ah.
Wuxuu hawlgalladaas ku tilmaamay “muuqaal la yaab leh oo geesinimo iyo xirfad leh.” asagoo tilmaamay inuu qorsheynayo inuu qabto shir jaraa’id oo milatariga la xiriira, kaas oo uu sheegay inuu ka dhici doono Aqalka Cad, maalinta Isniinta, 1:00 duhurnimo.