U bood dhigaalka

Taliyihii Sirdoonka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo la diley

Abriil 6, 2026

dowladda Iiraan xaqiijisay in Taliyaha Sirdoonka Ciidanka Difaaca Kacaanka Islaamiga (IRGC), Major General Majid Khademi, lagu dilay weerar ay Tehran ku eedeysay inuu ahaa mid ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil aroornimadii Isniinta.

Khademi, oo ahaa shaqsi muhiim u ahaa hawlgallada sirdoonka Iiraan, wuxuu ka mid noqday mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee ku dhinta weerarrada socda ee gobolka.

Dilkan ayaa yimid iyadoo xiisaddu mar hore gaartay heer kulul, waxaana daba socday hanjabaad cusub oo uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo Iran u qabtay illaa 20:00 ET Talaadada inay dib u furto jidadka muhiimka ah ee mara Geeska Hormuz.

Trump,wuxuu ku gooddiyay in haddii Iiraan aysan u hoggaansamin, Talaadadu noqon doonto mid adag, isagoo hoosta ka xariiqay in kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Iran ay noqon doonaan bartilmaameed.

Hanjabaaddaas ayaa loo fasiray inay dhici karto inay u dhiganto hanjabaad lagu beegsanayo kaabayaal rayid ah, taasi oo sharciyada caalamiga ah ku tilmaamaan fal u dhow dembi dagaal.

Wasaaradda Difaaca Iiraan iyo ciidanka IRGC ayaa dhankooda ku hanjabay inay qaadayaan tallaabo ka sii ba’an oo aad u burbur badan haddii weerarada Mareykanka ay soo gaaraan dadka rayidka ah ama kaabayaasha muhiimka u ah nolosha shacabka.

Mas’uuliyiinta Tehran ayaa ku adkaystay in dilka Khademi uusan mashaakil cusub abuuri doonin oo kaliya, balse uu noqon doono “sababta ay Iiraan ugu dhiirrato jawaab ciidan oo ballaaran.