U bood dhigaalka

ugu yaraan 10 qof oo ku geeriyooday duqeymo ay Israa’iil ka fulisay iskuul ku yaalla Qasa

Abriil 6, 2026

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, tiro kale oo badanna waa lagu dhaawacay, kadib markii diyaaradaha Israa’iil ay Isniintii duqeeyeen afaafka hore ee dugsi ay degganyihiin barakacayaal Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka ee Qaza.

Weerarkan ayaa yimid xilli xabbad-joojin jilicsan oo uu Mareykanku dammaanad qaaday ay weli ka jirto marinka Qaza, balse si joogto ah loogu xad-gudbo.

Ka hor intaan duqeyntu dhicin, ayaa deegaanka waxaa ka dhacay iska horimaad u dhexeeyay shacabka deegaanka iyo maleeshiyaad ay Israa’iil taageerto, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku dayeen afduub dad ku jira dugsiga.

Goobjoogayaal iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in kadib markii rabshaddu bilaabatay, diyaarado aan duuliye lahayn oo Israa’iil ay laba gantaal ku tuureen goobta, taasoo si degdeg ah u kordhisay khasaaraha dadka rayidka ah ee ku noolaa xaafad ciriiri ah oo ay ku badan yihiin barakacayaasha.

Ahmed al-Maghazi, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa Reuters u sheegay in maleeshiyaadka ay weerareen xaafadda, ayna fureen rasaas, halka ciidamada Israa’iil ay si toos ah u beegsadeen dadka isku dayay inay guryahooda difaacdaan.

Dhanka kale, hoggaamiye ka tirsan kooxaha ay Israa’iil taageerto ayaa muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada—oo aan warbaahintu si madax-bannaan u xaqiijinku sheegay inay dileen shan xubnood oo ka tirsanaa Xamaas.

Xamaas kama aysan bixin faallo ku saabsan arrintan, hase yeeshee waxay kooxahan ugu yeertaa la-shaqeeyayaal Israa’iil.

Isla maalintaas, duqeyn kale oo ka dhacday magaalada Qaza ayaa lagu dilay hal qof, halka ilmuhu ku dhaawacmay, iyadoo meel kale oo bartamaha marinka Qaza ah lagu toogtay darawal gaari.