Doorashada kursiga HOP#204 ee Golaha Shacabka oo uu ku guuleystay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa dhalisay su’aalo iyo hadal-heyn siyaasadeed, kaddib markii la sheegay in kursigan uu weli sharciyan u fadhiyo xildhibaan Isaaq Cali Sugle.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in aan wali si rasmi ah loo shaacin iscasilaadda ama baneynta kursiga ee Isaaq Cali Sugle, taasoo shaki gelisay habraaca loo maray doorashada degdegga ah ee kursigan.
Sidoo kale, wararka la helayo ayaa tilmaamaya in degdegga lagu qabtay doorashadan ay la xiriirto xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), la sheegay inuu u taagan yahay musharaxnimada madaxtinimada maamulkaas.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa arrintan ku tilmaamay mid ka tarjumeysa loolan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo dhinacyo kala duwan ay isku dayayaan in ay xoojiyaan saameyntooda kahor doorashooyinka la filayo.
Jaamac ayaa la filaya in uu isku soo taago Kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka haddii Sheekh Aadan Madoobe loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed.