U bood dhigaalka

Liibiya oo si weyn uga faa’iidaysatay dagaalka Bariga Dhexe

Abriil 7, 2026

Liibaya ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyey ee soo saarista saliidda tan iyo in ka badan hal sano oo tobaneed, taas oo ka dhigan horumar muhiim ah oo ku yimid tamarta dalkan muddada dheer u adkeysanaayey colaadaha sokeeye  iyo xiisadaha siyaasadeed ee soo noqnoqday.

Warbixin ay baahisay Al Jazeera ayaa lagu sheegay in kororka wax-soo-saarka uu muujinayo in dhaqaalaha Liibiya uu bilaabay inuu ka soo kabanayo, iyadoo qaar ka mid ah warshadihii iyo ceelashii shidaalka ee hore u xirmay dib loo howlgeliyey.

Sida ay sheegayaan ilo warshadeed, shirkadda shidaalka ee qaranka Liibiya (NOC) ayaa ku dhawaaqday in wax-soo-saarka maalinlaha ah uu gaadhay heer aan la arag ku dhawaad 12 sano, taas oo sare u qaaday rajooyinka dib-u-dhiska dhaqaalaha dalka.

Horumarkan ayaa imanaya xilli uu gobolka ka socdo dagaalka saameyn  xooggan ku yeeshay wax soo saarka saliidda iyo dhoofinteedaba, ayadoo sidoo kale Liibiya ay muddo dheer ku jirtay jahawareer siyaasadeed, dagaallo u dhaxeeya maamullo is diidan, iyo faragelin shisheeye oo hakisay horumar kasta oo lagu samayn lahaa kaabayaal muhiim ah.

Khabiirro dhinaca tamarta ah ayaa tilmaamaya in xasillooni siyaasadeed oo kooban oo dhowaan laga dareemay qeybo ka mid ah dalka ay suurtagal ka dhigtay in la kordhiyo wax-soo-saarka, iyadoo sidoo kale la hirgeliyey heshiisyo u dhexeeya beelaha deegaanka ee ilaalin jiray goobaha shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jira cabsi ku aaddan in xaaladdu mar kale dib u xumaato haddii ay sii socdaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira, balse hormarka degdega ah ee wax soo saarka saliiddu wuxuu u muuqdaa mid ku saleysan fursad Dahabi ah oo Liibiya ay ka dhex aragtay saamayn xooggan ee dagaalka gobolku uu ku yeeshay dhoofinta iyo soo saarista shidaalka.

Kororka wax-soo-saarka shidaalka ayaa durbaba saameyn togan ku yeeshay dhaqaalaha Liibiya, kaas oo si weyn ugu tiirsan dhoofinta saliidda, ayadoo dakhliga kordhay uu dowladda u fududeyn karo inay maalgeliso adeegyada muhiimka ah sida korontada, caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha burburay.