Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si cad u sheegay in Maraykanku ka fiirsanayo inuu lacag-marineed ka qaado maraakiibta isticmaala marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Hadalkan ayaa dab ka sii shiday muranka ka dhashay dagaalka socda, xilli Iiraan ay weli wado weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo saameynaya gobolka.
Trump, oo war-fidiyeenka kula hadlay Washington, ayaa si adag u muujiyay inuusan aqbalayn fikradda ah in Iiraan ay iyadu lacag ka qaaddo maraakiibta.
Wuxuu tilmaamay in Maraykanku yahay guuleystaha dagaalka, sidaas darteedna uu leeyahay xuquuqda lacag ku soo rogidda maraakiibta adeegsanaysa Hormuz.
“Maxaan annagu lacag u qaadi waynay? Anigaa doorbidi lahaa annagu inaan qaadno halkii ay iyagu heli lahaayeen, Maxaa yeelay anagaa guuleystay” ayuu yiri Madaxweyne Trump oo arrintan si kulul uga hadlayay.
”
Hadalkan ayaa yimid xilli Maraykanku uu Iiraan u qabtay muddo kama dambeys ah
oo ku saabsan furitaanka marinka Hormuz, Trumpna wuxuu caddeeyay in heshiis kasta oo mustaqbalka lala gaaro Iiraan uu qasab ka dhigayo in gaadiidka shidaalka iyo LNG-ga si xor ah uga gudbi karo Hormuz.