Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay keligeed waddo weerarrada cirka ee ka dhanka ah Iiraan, xilli la gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo laba toddobaad socanaya.
Trump iyo hoggaamiyaha sare ee Iiraan ayaa la sheegay inay isku af garteeen xabbad-joojintan oo looga gollleeyahay inay furo u noqato wada-hadallo ay Pakistan dhexdhaxaadinayso oo jimcaha furmaya.
Si kastaba ha ahaatee maamulka Israa’iil ayaa horay u jabiyay heshiisyo badan oo laga gaaray dagaallo ka dhacay Bariga Dhexe, lamana oga sida ay xabbad-joojintani u dhaqan geli karto haddiiba ay Iiraan weli weerarro la kulmayso.