Ciidamada milatariga ee Mareykanka ayaa shaaciyay in laba markab oo dagaal ay si rasmi ah uga gudbeen marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu bilaabayo sifaynta miinooyinka badda ee halista ku haya ganacsiga shidaalka caalamiga ah.
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM), ayaa qoraal lagu daabacay barta X ku sheegay in dhaqdhaqaaqa maraakiibta uu yahay mid lagu dejinaayo xaaladaha lagama maarmaanka u ah nadiifinta miinooyinka ku aasan marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah dhoofinta shidaalka dunida.
Marinka Hormuz ayaa ah halbowlaha ugu weyn ee isku xira Khaliijka iyo suuqyada caalamka, waxaana maalin kasta mara malaayiin foosto oo shidaal ah, ayadoo khatar kasta oo ka dhalata miinooyin ama weerarro kale waxay si toos ah u saameyn kartaa dhaqaalaha caalamka iyo qiimaha shidaalka.
Tillaabadan cusub ee uu Mareykanku qaaday ayaa imanaysa xilli xiisado militari ee gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan colaadda Iiraan ay weli socato, inkastoo ay dhinacyada wada-hadallo uga socdaan dalka Pakistan.