U bood dhigaalka

Maxay yihiin Miinooyinka halista badan ee Iiraan ay ku aastay marinka Hormuz?

Abriil 12, 2026

Marinka biyoodka Hormuz ayaa muddo dheer ahaa halbowlaha ugu muhiimsan ee isku xira shidaalka Khaliijka iyo suuqyada caalamka, taas oo ka dhigaysa meel xasaasi ah oo ay ku loolamaan quwadaha waaweyni.

Haddaba iyadoo xiisadda gobolku ay muddooyinkii dambe aad u sarreysay ayaa waxaa dib u soo cusboonaaday walaaca ku saabsan adeegsiga miinooyinka badda oo ah hub qarsoon oo saameyn weyn ku leh dhaqdhaqaaqa maraakiibta, inkastoo uu yahay mid jaban oo si fudud loo adeegsan karo.

Intii uu socday dagaalka Iiraan ay kula jirto Mareykanka iyo maamulka Israa’iil oo isku dhinaca ayaa la sheegay in Tehran ay miinooyinka tiro badan ku aastay marinka Hormuz, si ay uga hortaggo adeegsiga maraakiibta reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.

Taariikh ahaan, miinooyinka badda ayaa kaalin muuqda ka ciyaaray colaadaha gobolka, intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo ciraaq, gaar ahaan marxaladdii loo yaqaanay “Tanker War”, xilligaas oo maraakiibta shidaalka si joogto ah loo beegsan jiray si dhaqaale ahaan isku wiiqaan dhinacyada dagaallamayay.

Sannadkii 1988, markab dagaal oo Mareykan ah ayay haleeshay miino badda lagu aasay, taas oo muujisay halista weyn ee hubkan iyo sida uu u kicin karo falcelin militari oo degdeg ah.

Sidoo kale, dagaalkii Khaliijka 1991 ayaa mar kale si weyn loogu baraarugay  in miinooyinka badda ay weli yihiin khatar joogto ah oo saameyn karta maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga.

Miinooyinka baddu waa walxo qarxa oo lagu rakibo biyaha hoostooda, kuwaas oo qarxi kara marka ay maraakiibta taabtaan ama u soo dhowaadaan, ayadoo qaarkood ay ku xiran yihiin xarig hoos u laalaada, halka kuwo kalena ay sabeyn karaan ama xitaa si casri ah u dareemi karaan dhaqdhaqaaqa iyo dhawaaqa maraakiibta.

Sababtan awgeed, waxay noqdeen hub aad ugu habboon xeeladda dagaal aan toos ahayn ee ay adeegsato Iiraan, waana xeelad ku dhisan in la kordhiyo khatarta iyo kharashka cadowga iyadoo aan si toos ah loo gelin dagaal ballaaran.

Iiraan waxay awood u leedahay inay miinooyin ku daahiso meelaha ciriiriga ah ee Hormuz, iyadoo adeegsanaysa doonyo yar yar ama habab qarsoodi ah, taas oo si degdeg ah u hakad gelin karta isu socodka maraakiibta.

Xitaa hanjabaadda isticmaalka miinooyinkan ayaa ku filan inay cabsi geliso shirkadaha maraakiibta iyo kuwa caymiska, taas oo keeni karta in qiimaha shidaalka iyo kharashaadka ganacsiga ay sare u kacaan.

Arrintan ayaa ka dhigaysa miinooyinka badda hub istaraatiiji ah oo aan kaliya saameyn militari lahayn, balse sidoo kale leh awood dhaqaale oo ballaaran.

Haddii marinka Hormuz uu khalkhal galo ama xirmo, waxa uu si toos ah u saameynayaa suuqyada tamarta dunida, iyadoo qiimaha shidaalka uu si degdeg ah u kici karo, isla markaana ay hoos u dhici karto kalsoonida ganacsiga caalamiga ah.

Dalal badan oo ku tiirsan shidaalka Khaliijka ayaa markaas la kulmi kara cadaadis dhaqaale oo culus, ayadoo miinooyinka badda ee Iiraan ay yihiin kuwo saameyn militari iyo dhaqaale yeelan kara.