Hordhac
Inkasta oo uu ereyga ‘suugaan’ micno badan leeyahay, haddana waxaa la sheegaa in ereyga asalkiisu ka yimid: naq; doog; cosob.. Marka ay abaaro dhacaan oo ay dhirtu xaalufto, waxaa jira geedo aysan abaartu saamayn oo dadka iyo xooluhu ku badbaadaan, halkaas ayuuna ka yimid ereyga suugaan, sida uu sheegay Barafasoor Cali Jimcaale Axmed oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay isbarbardhigga suugaanta.
Suugaantu waa lafdhabarta jiritaanka iyo nolosha bulshada, iyada oo ku hoggaamisa hiigsi iyo aragti fog oo ay kaga bixi karaan hawl ama dhibaato markaas taagan.
Suugaanta ayaa xoogga saarta saddex dhinac, kuwaas oo kala ah:
- In ay bulshada tusto ama u sawirto wax aysan hore uga fikirin in ay jiri karaan, dabadeedna, ay halkaas ka shidaalqaataan.
- In ay bulshada ku baraarujiso in fikir hore u jiray la shakigelin karo, taas oo keenta in qaabfikirkaas dib loo eegi karo, wax cusubna lagu soo kordhin karo.
- In suugaanta ay qofka u xaqiijiso in fikir ama wax uu aaminsanaa ay sax yihiin, iyada oo ah muraayad la isku fiiriyo oo laga cabbir qaadan karo.
Soomaalidu waxay suugaanta u adeegsataa meelo badan, maadaama ay dadka Soomaaliyeed yihiin bulsho suugaanta ku nool oo lagu sifeeyo bulsho hadlaa ah (oral society). Waxay sugaanta u adeegsadaan arrimaha muhiimka u ah jiritaankooda sida, in ay hawlaha ku qabsadaan, in ay dhallaanka ku ababiyaan iyo sidoo kale, in ay farriimaha isugu dawiyaan. Haddaba, waxaan maqaalkan ku eegaynaa qaabka Soomaalidu suugaanta ugu adeegsato dhiirrigelinta iyo qiiragelinta ciidamada, iyaga oo aaminsan in ay tahay mid saamaynaysa maskaxda iyo maanka askariga.
Halganka iyo Guubaabada Ciidanka
Xilliyada ugu badan ee ay Soomaalidu suugaanta ku guubaabiso ciidamada ayaa ah mararka la joogo goobaha dagaalka, si askariga loo rejageliyo ama niyadda loogu dhiso marka uu dagaalgalayo, taas oo ahayd soojireen ilaa ka hor dawladnimada.
Tusaalaha ugu weyn ee la soo qaadan karo ka hor dawladnimada Soomaalida waa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ahaa hoggaamiyihii Daraawiishta, oo caan ku ahaa in uu u adeegsado gabayga, kuna kiciyo ciidankiisii, marna cadowgiisa ku bajiyo. Gabayadiisa waxaa ka mid ahaa gabaygii Koofil:
Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jab iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh.
Markii la yimid xilligii ay Soomaalidu yeelatay dawladnimada, suugaanta iyo fanka Soomaalida ayaa aad loo horumariyay—iyada oo dawladdu ay samaysay kooxo ka shaqeeya adeejinta suugaanta, si bulshada loo fahansiiyo dawladnimada iyo aragtida ay wataan. Tusaalaha ugu caansan ee lagu sharraxay dawladnimada waxa uu ahaa tusaalihii “Hashii Maandeeq”, taas oo ahayd halhays suugaaneed oo dawladda Soomaaliyeed lagu masaalay hal dhashay oo caano badan. Heesta “Maandeeq” waxay dawladnimada ku sifaysay mid u baahan daryeel, ilaalin, iyo in si wadajir ah looga wada faa’iidaysto miiddeeda.
Xilligii Xukuumaddii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre waxaa la galay dagaalkii ay Soomaalidu la gashay Itoobiya, waxyaabaha dagaalkaas aad loo adeegsadayna suugaanta ayaa qeyb weyn ka ahayd. Suugaanta ayaa loo adeegsaday in ciidanka lagu dhiirrigaliyo si ay dagaalka hore ugu galaan, sidoo kale, shacabka ayaa loogu talagalay in ay dagaalka ka qeybqaataan oo ciidanka taageeraan iyada oo la adeegsanayo suugaan iskugu jirta gabayo iyo heeso guubaabo ah, kuwa ugu caansana waxaa ka mid ah.
Herer qiimo weyniyo
Quruxdeeda Diridhaba
Jigjigadii qaboobayd
Qabri Daharre anaa iska leh
Geesiyaal quursi diidayoow
Huubkaad maanta qaadeen
Ku qotamiya calanka.
Waa hees gubaabo ah oo loogu talagalay in ciidanka lagu dagaalgaliyo si ay uga helaan mooraal maskaxdooda lagu saamaynayo, iyada oo la adeegsanayo suugaan.
Suugaanta iyo Tababarka Askariga
Marka ay duntay dawladii Soomaaliyeed ee dhexe, sidoo kalana, dib loo soo dhisay dawladahan kala danbeeyay oo ay ugu danbayso mida hada jirta ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa muuqata in ay weli garowsan yihiin saamaynta suugaantu ku leedahay ciidamada, inkasta oo si guud ay hoos ugu dhacday in la soo saaro suugaan tayo leh oo ka turjumaysa xiligaan la joogo.
In weli sugaanta loo adeegsado qiiragelinta ciidamada waxaa tusaale u ah, waxaa jira oo aan la kulmay qeyb ka mid ah dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday waddanka Eritereeya. Dhallinyaradaas oo wadanka laga qaaday 19kii Agoostos 2019 ayaa gaarayay in ka badan 5 kun oo askari, kuwaas oo si qarsoodi ah dalka looga qaaday tababarna loogu xareeyay xeryo ku yaalla wadanka eritareeya sida uu sheegay barnaamijka Galka Baarista oo ka baxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA.
Dhallinyarada ayaa markii la qaadayay loo sheegay in waddanka Qadar la gayn doono, ayna soo qaadan doonaan tababar fudud, balse waxa ay tababar aad u adag ku jireen mudo ku dhow 5 sano, taas oo muujinaysa dhibaatada iyo hawsha ay kasoo mareen, walow aysan mudo sanad ah xataa la soo xiriirin qoysaskooda.
Markii aan weydiiyay dhallinyaradaas waxa ay mudada intaas la eg isku maaweelin jireen, sidoo kalana, qeyb ka qaadatay in tababarkaas adag ay soo qaataan ayay iigu sheegeen in ay wehel ka dhigan jireen, sidoo kale isku baraarujin jireen, heeso guubaabo ah kuwaas oo ku abuuri jiray in dhib kasta ay ilaawaan oo ay dalkooda dartiis u maraan rafaad kasta, waxa ay sheegeen in saraakiisha Soomaalida ah ee meesha ku haysay ay xifdisiiyeen heeso guubaabo ah oo ciidanka dhiiragalin siinaya iyo hadalo dareenkooda kicinaya.
Heesaha ay sida weyn u adeegsan jireen ayaa waxaa ka mid ahayd hees aysan garanayn cida samaysay balse saraakiishoodu xifdisiiyeen midaas oo u noqotay wehel ay ka weheshaan walwalka, isla hadalka iyo su’aalaha ay isweydiinayaan:
Layr soo isfiimayoo
Shacabku uu leeyahoo
Lagu liibaanay ayaan ahee.
Laan aan jabaynoo
Aan liicahaynoo
Midnimada ligaysiyo
Nafta biixiyaan ahee.
Loollanka colaadeed
Uma liito cadawgoo
Ima loodin karayee.
Waa libin saraynayaa
Lurka iyo gaajadaa
Lugta iyo socodkaba
Shiishka iyo toogtaba
Layli baan ku soo maray.
Dhallinyarada ayaa ii sheegay marka dalka lagu soo celiyay ee la geeyay goobaha jiida hore ee dagaalada ay heesta iyo suugaantii ay soo barteen weli isticmaalayeen, waxay ii sheegeen in heesta ay ka caawisay mararka qeybtood in ay isku gartaan, xilliyada qaar cadowga ayaa soo qaadan kara astaan kasta oo ciidanku leeyahay, balse mida kaliya ee kan saxda lagu garan karo waa in ay ku dhawaaqaan heesihii ay wada yaqaaneen halka cadawgu uusan la garanayn oo ay sidaas kaga badbaadaan khataraha qeybtood.
Sidoo kale, dhammaan xeryaha ciidamada lagu tabobaro ee ku yaala dalka, waxay ka siman yihiin in ciidanka kujira tababarka lagu dul akhriyo oo la xifdisiiyo heeso iyo gabayo suugaan guubaabo ah kuwaas oo ciidanka siinaya awood maskaxeed oo ay ku dareemaan kuna ilaawaan tababarka iyo hawsha ay marayaan.
Marka la eego ciidamada oo samaynaya gaardis ay ku soo bandhigayaan tababarkii la baray ee gaardiska oo ay tahay maalinta ay qalinjebinayaan ama leeyihiin feestooyin iyo munaasabado waaweyn, waxaa loo daaraa muusikada baanbayda ciidamada middaas oo ku dhisan heeso waddani ah oo iskugu jira kuwa gubaabo iyo farxad ah, waa muusik iyo suugaan ciidanka lagu ilowsiinayo gaardiska, sidoo kalana hagaysa qaabka ay u soconayaan iyo halka ay istaagayaan.
WQ: Mahad Camey
Qoraa ka faallooda arrimaha bulshada, lehna waaya-aragnimo warbaahineed.