U bood dhigaalka

Khataraha Miinooyinka Badda ee ku aasan marinka Hormuz iyo Saamaynta Gobolka

Abriil 13, 2026

miinooyinka baddu waa hub istiraatiiji ah oo si qarsoodi ah loogu carqaladeyn karo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militari, waxaana taariikh ahaan si weyn loo adeegsaday intii ay socdeen dagaalladii gacanka iyo kii Kuwayd ee 80-tameeyadii iyo 90-meeyadii.

Inkasta oo weerarro dhowaan lagu beegsaday miinooyin la tuhunsan yahay in lagu aasay marinka Hormuz la sheegay  in guulo laga gaaray, haddana weli waxaa jirta cabsi ah in qaar kale oo qarsoon ay halis ku yihiin marinnada badda ee muhiimka ah, gaar ahaan Hormuz.

Sida lagu sheegay warbixinno kala duwan, Iiraan ayaa lagu qiyaasaa inay haysato kumannaan miino badeed ah, kuwaas oo u dhexeeya 5,000 ilaa 6,000, iyadoo qaar ka mid ah ilo-wareedyadu ay tilmaamayaan in miinooyin cusub lagu daadiyay marinno muhiim ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Arrintan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in la carqaladeeyo isu socodka maraakiibta, gaar ahaan kuwa qaada shidaalka, maadaama marinnadaasi ay laf-dhabar u yihiin ganacsiga caalamiga ah.

Miinooyinka baddu waxay leeyihiin noocyo kala duwan oo adeegsiyo iyo farsamooyin kala geddisan leh, ayadoo qaar ka mid ah lagu xiro xarig ama silsilad ku xiran gunta badda, kuwaas oo qarxa marka markab si toos ah u taabto.

Noocyo kale ayaa ah kuwa dareema isbeddellada deegaanka sida magnetic-ga, dhawaaqa ama cadaadiska biyaha, iyagoo qarxa marka markab u dhowaado.

Sidoo kale waxaa jira miinooyin ku aasan gunta badda, kuwaas oo si gaar ah khatar ugu ah meelaha biyaha yari ku jiraan ama cariiriga ah, ayadoo noocyada kalena ay ka mid yihiin kuwa si toos ah loogu dhejiyo markabka.

Sidoo kale waxaa jira kuwa casriga ah oo u shaqeeya sida qalabka loo yaanno “torpedo-yada” oo kale, kuwaas oo si firfircoon u beegsada bartilmaameedkooda.

Saamaynta miinooyinkan kuma koobna dhinaca militari oo keliya, balse waxay si weyn u taabanayaan dhaqaalaha caalamka, ayadoo hakad kasta oo ku yimaada maraakiibta ganacsiga uu saameynayo sahayda shidaalka, taasoo keenaysa kor u kac qiimaha suuqyada, halka sidoo kale ay sare u kacaan kharashaadka caymiska iyo gaadiidka badda.

Intaas waxaa dheer, khatarta amni ee sii kordheysa oo adkeynaya dadaallada lagu doonayo xasillooni iyo isu socod ammaan ah oo gobolka ka jira.

Si kastaba ha ahaatee miinooyinka badda ayaa weli ah hub halis badan oo qarsoon, inkastoo ay jiraan dadaallo caalami ah oo lagu ogaanayo laguna burburinayo, haddana jiritaanka miinooyin aan la ogaan karin ayaa sii ahaanaya caqabad weyn oo khatar gelin karta amniga iyo dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan meelaha istiraatiijiga ah ee muhiimka u ah isu socodka ganacsiga dunida sida Hormuz.