U bood dhigaalka

Mareykanka oo dhaqan-geliyay xannibaad uu ku soo rogay dekedaha Iiraan

Abriil 13, 2026

Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa si degdeg ah u sii xoogeysanaysa, kadib markii militariga Mareykanka uu bilaabay dhaqan-gelinta xannibaad badeed oo lagu joojinayo dhammaan maraakiibta galaysa ama ka baxaysa dekedaha Iiraan.

Tallaabadan oo loo arko mid si weyn u sii kicin karta colaadda gobolka, ayaa timid kadib markii uu dhammaaday waqtigii kama dambeysta ahaa ee Trump uu u qabtay Tehran, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si adag uga hadlay arrintan, isagoo ku hanjabay in maraakiib kasta oo Iiraan leedahay oo isku dayq inuu jabiyo xannibaadda ay si degdeg ah u burburin doonaan ciidamada badda Mareykanku.

Xannibaaddan badeed ayaa si gaar ah diiradda u saaraysa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, oo ah meel muhiim u ah isu socodka ganacsiga shidaalka caalamka, halkaas oo lagu qiyaaso in ku dhowaad shan meelood meel shidaalka adduunka uu maro.

tallaabadan ayaa si toos ah u saameyn karta dhaqaalaha caalamka, iyadoo durba la dareemayo kor u kac ku yimid qiimaha shidaalka iyo walaac laga qabo hakad ku yimaada sahayda tamarta.

Dhanka kale, Iiraan ayaa si kulul uga falcelisay xannibaaddan, iyadoo ku tilmaantay ficil dagaal, isla markaana ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah danaha Mareykanka iyo xulafadiisa ee gobolka.