Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa si cad u sheegay in qaaradda Afrika aysan gaari karin horumar dhab ah haddii aan dib-u-habeyn lagu sameyn African Union.
Ruto ayaa tilmaamay in Midowga Afrika uu u baahan yahay isbeddel ku saabsan sida uu u shaqeeyo, go’aanada loo gaaro, iyo sida dalalka xubnaha ka ah ay uga faa’iideystaan.
Wuxuu xusay in nidaamka hadda jira uusan si buuxda uga jawaabin caqabadaha waaweyn ee Afrika ka jira, sida amniga, dhaqaalaha, iyo isdhexgalka dalalka.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in haddii Afrika rabto inay noqoto qaarad isku filan oo horumar leh, ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo iskaashiga, isla markaana la yareeyo ku tiirsanaanta dibadda.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jirto dood sii xoogeysaneysa oo ku saabsan doorka iyo waxtarka Midowga Afrika, gaar ahaan marka la eego xalinta khilaafaadka, horumarinta ganacsiga gudaha Afrika, iyo matalaadda qaaradda ee masraxa caalamka.