Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in wafdiyo ka kala socda Maraykanka iyo Iiraan ay suuragal tahay inay toddobaadkan dib ugu laabtaan magaalada Islamabad si ay u sii wadaan wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan gobolka Bariga Dhexe.
Warbixinno la helayo ayaa tilmaamaya in wada-hadalladii ugu horreeyay ee halkaas ka qabsoomay ay ku dhammaadeen natiijo la’aan, balse dadaallo cusub ay socdaan si dib loogu bilaabo kulamo kale.
Ilo ku dhow wada-xaajoodyada ayaa sheegay in qorshaha wada-hadallada la gudbiyay, kaasoo lagu casuumayo labada dhinac inay mar kale isugu yimaadaan Islamabad, inkastoo aan wali si rasmi ah loo cayimin taariikhda saxda ah.
Wafdiyadii hore waxaa hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance iyo guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan Mohammad Baqer Qalibaf, kuwaas oo hoggaamiyay kulamadii hore.
Intii uu socday kulankaas, Vance wuxuu ku tilmaamay soo jeedinta Maraykanka mid ah fursadda ugu dambeysa ee ugu wanaagsan ee xal lagu gaari karo.
Sarkaal ka tirsan safaaradda Iiraan ee Islamabad ayaa sheegay in wareegyada xiga ee wada-hadalladu ay dhici karaan dhammaadka toddobaadkan ama bilowga toddobaadka soo socda, balse weli wax walba aysan si rasmi ah u go’aan gaarin.
Ilo kale oo dhinaca Iiraani ah ayaa xusay in Jimcaha ilaa Axadda loo daayay fursad suurtagal ah oo kulanku ku dhici karo, halka mas’uul sare oo Pakistani ahi uu sheegay in dowladda Pakistan ay xiriir la sameysay Iiraan, islamarkaana ay ka heshay jawaab wanaagsan oo muujineysa diyaar garowga Tehraan ee wareeg labaad oo wada-hadallo ah.
Inkastoo kulamadii hore aysan dhalin natiijo muuqata, haddana rajo cusub ayaa ka muuqata dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu xalliyo xiisadda gobolka, iyadoo Pakistan ay weli kaalin muhiim ah ka ciyaareyso marti-gelinta iyo fududeynta wada-xaajoodyada labada dhinac.