Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, kadib markii uu ku guuldareystay inuu guul siyaasadeed ka dhaliyo dagaalka ay Israa’iil oo garabsanaysa Mareykanku la gashay Iiraan, inkastoo ay ka soo wareegtay in ka badan lix toddobaad tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Dagaalkan oo markii hore loo arkayay mid keeni kara guul istiraatiiji ah oo lagu wiiqo awoodda Tehran, ayaa hadda u muuqda mid aan laga gaarin natiijadii la filayay.
Inkastoo Israa’iil ay adeegsaday awood ciidan oo xooggan oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah iyo weerarro bartilmaameed ah, haddana falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in tillaabooyinkaasi aysan isu rogin faa’iido siyaasadeed oo muuqata.
Sahamino laga sameeyay gudaha Israa’iil ayaa muujinaya in badankooda shacabku ay u arkaan dagaalka mid fashil ku dhammaaday, halka tiro aad u yar ay ku tilmaameen guul.
Arrintan ayaa si toos ah u saameysay sumcadda Netanyahu, iyadoo heerka taageeradiisu hoos u dhacay xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin siyaasadeed oo muhiim ah.
Dhanka kale, Iiraan ayaa weli sii haysata saameynteeda gobolka, gaar ahaan marinnada istiraatiijiga ah sida Hormuz iyo xiriirrada ay la leedahay kooxaha xulafada la ah, tan oo muujineysa in dagaalku uusan si buuxda u wiiqin awoodda Tehran sida markii hore la qorsheeyay.
Sidoo kale, kharashaadka dhaqaale ee dagaalka iyo sii socoshada xiisadaha kale ee gobolka ayaa sii murjiyay xaaladda amni iyo midda gudaha ee Israa’iil, taasoo keentay in su’aalo laga keeno waxtarka dagaalka iyo ujeeddooyinkiisa dhabta ah.
falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in dagaalkan uu noqday mid aan lahayn guuleyste cad, balse si gaar ah u dhaawacay mustaqbalka siyaasadeed ee Benjamin Netanyahu.
Dhanka kale maamulka Trump ayaa wajahaya culaysyo gudaha iyo dibedda isugu jira oo la xariira dagaalka Iiraan, ayadoo inkastoo la dilay hoggaamiyeyaal muhiim ah, haddana aan Tehran waxba iska badelin.
Hadafka Trump iyo Netanyahu ee dagaalka Iiraan ayaa ahaa in meesha laga saaro nidaamka kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, in la burburiyo warshadaha nuclear-ka dalkaas, iyo Tehran aysan mar dambe noqan awood ka soo horjeesan karta Mareykanka iyo Israa’iil, balse dhammaan ujeeddooyinkaas ayaa haatan u muuqda kuwo lagu hungoobay.