U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey xilliga la qaban doono doorashooyinka maamul goboleedyada

Abriil 16, 2026

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka muhiimka ah ee ka dhici doona qaar ka mid ah maamullada dalka.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in 13-ka May 2026 la qaban doono doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo kuwa Golayaasha Deegaanka ee maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo lagu tilmaamay doorashooyin si isku mar ah u dhacaya.

Sidoo kale, guddigu wuxuu caddeeyay in doorashada Golayaasha Deegaanka ee maamulka Waqooyi Bari la qaban doono 30-ka June 2026, taas oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu dardargelinayo hanaanka dimuqraadiyadda dalka.

Doorashooyinkan ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xoojinta dowlad-dhiska, kor u qaadista matalaadda shacabka, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.