U bood dhigaalka

Trump oo sheegay in horumar laga sameeyay wada-hadallada Mareykanka iyo Iiraan

Abriil 18, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran ay weli socdaan, isagoo xusay in horumar muuqda laga sameynayo dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda taagan.

Trump ayaa tilmaamay in waxyaabo badan oo wanaagsan ay dhacayaan, isagoo muujiyay rajo ah in heshiis dhow la gaari karo.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in cunaqabateynta iyo go’doominta la saaray Iiraan ay si toos ah ugu xirnaan doonaan natiijada wada-hadallada, islamarkaana la qaadi doono marka heshiis rasmi ah la saxiixo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli wada-hadallo diblomaasiyadeed oo xooggan ay u socdaan labada dhinac, iyadoo dadaallo dhexdhexaadin ah ay wadaan dalal ay ka mid tahay Pakistan.

Inkasta oo horumar la dareemayo, haddana weli waxaa jira caqabado waaweyn oo u baahan in la xalliyo, sida arrimaha nukliyeerka iyo kalsooni darrada labada dhinac.

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan ayaa si weyn u saameysay ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan marinka istaraatiijiga ah  Hormuz, halkaas oo maraakiibta ganacsiga ay wajahaan cabsi amni.