U bood dhigaalka

Waa maxay Sirta Ka Dambeysa dilka iyo waayidda Saynisyahannada Nukliyeerka ee Mareykanka 2023-2026?

Abriil 18, 2026

Warbaahinta Mareykanka ayaa si isa soo taraysa u soo bandhigaysa warar ku saabsan dhacdooyin isdaba joog ah oo ku saabsan saynisyahanno iyo saraakiil ciidan oo ka shaqeynayay barnaamijyo aad u xasaasi ah, kuwaas oo la dilay ama si qarsoodi ah loo waayay tan iyo bartamihii sanadkii 2023.

Kiisaskan oo tiradoodu gaareyso ku dhawaad toban qof ayaa dhaliyay walaac xooggan, maadaama dhammaan dadkaasi ay hayeen xog sir ah oo la xiriirta tamarta nukliyeerka, tiknoolajiyadda hawada sare iyo arrimaha amniga qaranka.

Dadka la beegsaday ayaa la sheegay inay ka wada shaqeynayeen hay’ado istiraatiiji ah oo laf-dhabar u ah awoodda Mareykanka, sida U.S. Department of Energy, NASA iyo Pentagon.

Xiriirka ay la lahaayeen hay’adahan ayaa sii xoojiyay shakiga ah in dhacdooyinkani aysan ahayn kuwo iska yimid, balse laga yaabo inay ku lug leeyihiin arrimo ka baxsan shilal caadi ah.

Mid ka mid ah kiisaska ugu yaabka badan ayaa ah kan William Maxland, oo ahaa janaraal hore oo ka howlgeli jiray barnaamijyada duulimaadka iyo horumarintooda.

Maxland ayaa si lama filaan ah loo waayay bishii Febraayo, iyadoo boolisku heleen oo keliya qaybo ka mid ah dharkiisa oo yaalla meel u jirta dhowr kiiloomitir gurigiisa, halka alaabtiisii gaarka ahayd sida bastooladdiisa iyo boorsadiisa aan la helin, dhacdadan ayaana dhalisay su’aalo badan oo aan wali jawaab loo helin.

Dhanka kale, Carl Grelmayer, oo ahaa saynisyahan ka shaqeynayay mashaariic muhiim ah oo ka tirsan NASA, ayaa lagu dilay rasaas hortiisa gurigiisa, taas oo sii kordhisay cabsi ku saabsan amniga dadka ku jira barnaamijyadaas.

Sidoo kale, Monica Riza, oo ahayd khabiir ku takhasustay gantaallada, kana tirsaneyd xarunta Jet Propulsion Laboratory, ayaa la waayay sanadkii 2025 xilli ay dalxiis ku joogtay koonfurta gobolka California, mana jirto wax raad ah oo ilaa hadda laga helay.

Marka laga soo tago dhacdooyinka la diiwaangeliyay, doodaha ka socda gudaha Mareykanka iyo baraha bulshada ayaa sii hurinaya muranka.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in ay jiri karto khaarajin aamusan oo ka socota gudaha nidaamka tiknoolajiyadda, halka kuwo kale ay tilmaamayaan suurta-galnimada faragelin sirdoon oo shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo hadda ma jirto caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in ay jirto shabakad abaabulan oo dilal ah, ayadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qiray in arrintan ay tahay mid aad u khatar badan, isagoo sheegay in dowladdiisu si dhow ula socoto isla markaana la sugayo natiijooyin hordhac ah oo baaritaan.

Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in arrinta lala wadaagayo FBI si loo baaro loona ogaado haddii ay jiraan wax isku xira dhacdooyinkan ama raad muujinaya faragelin shisheeye.

xubno ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa ku baaqay in la furo baaritaan federaal ah oo degdeg ah, iyagoo ka digay in dhacdooyinkan ay khatar ku yihiin amniga qaranka.

Inkasta oo su’aalo badan wali taagan yihiin, hal arrin ayaa cad: kiisaskan qarsoodiga ah waxay iftiiminayaan dhinac mugdi ah oo ku saabsan amniga iyo ilaalinta maskaxda aqoonyahannada ee Mareykanka, iyadoo jawaabaha rasmiga ah la sugayo si loo kala saaro xaqiiqda iyo mala-awaalka.