U bood dhigaalka

Iiraan oo wacad ku martay inaysan dib u furi doonin Marinka Hormuz

Abriil 19, 2026

Xiisad aad u sarreysa ayaa ka taagan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, kaddib markii Iiraan ay si cad u shaacisay inaysan dib u furi doonin marin-biyoodkaasi ilaa Maraykanku uu joojiyoo xannibaadda saaran dekedaheeda.

Go’aankan ayaa si degdeg ah u saameeyay isu socodkii maraakiibta, iyadoo warbixinno muujinayaan in dhaq-dhaqaaqii badda uu si weyn hoos ugu dhacay, qaar badanna ay gebi ahaanba istaageen.

Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka sida gaarka ah muhiimka ugu ah dhaqaalaha caalamka ayaa wajahaya xaalad jahwareer ah, ayadoo qaar ka mid ah maraakiibta la sheegay inay heleen oggolaansho ay kaga gudbaan marinka, balse markii dambe dib looga noqday, halka kuwo kalena lagu qasbay inay dib u laabtaan kaddib markii ay la kulmeen digniino iyo xitaa rasaas ay fureen ciidamada badda ee Iiraan.

Tani waxay keentay in shirkadaha maraakiibta ay joojiyaan ama dib u dhigaan safarradooda, iyagoo ka baqaya khataro amni.

Dhanka siyaasadda, xaaladda ayaa sii cakirmeysa kadib markii Iiraan ay sheegtay in aysan jirin wax taariikh ah oo loo cayimay wada-hadallo cusub oo ay la yeelaneyso Mareykanka.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Saeed Khatibzadeh, ayaa ku eedeeyay Washington inay ku adkeysaneyso dalabyo uu ku tilmaamay “xad-dhaaf,” taasoo caqabad ku noqotay dadaallada diblomaasiyadeed.

Tani waxay hoos u dhigtay rajadii laga qabay xal degdeg ah, inkastoo dalal ay ka mid yihiin Pakistan ay wadeen dadaallo lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada-hadallada.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in xaaladdu ay sii xumaan karto, gaar ahaan iyadoo ay soo dhowdahay dhammaadka xabbad-joojin u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee xaaladda ka taagan Hormuz ayaa noqotay mid aad u xasaasi ah, iyadoo ay is-horfadhiyaan laba awoodood oo waaweyn, isla markaana ay sii yaraaneyso rajada xal degdeg ah. Indhaha caalamka ayaa hadda ku sii jeeda sida ay u dhacaan maalmaha soo socda, kuwaas oo go’aamin kara jihada uu u leexdo khilaafkan halista ah.