U bood dhigaalka

Mareykanka oo shaaciyay inuu wefdi heer sare ah u dirayo Pakistan si ay Iiraan wada-hadallo ula galaan

Abriil 19, 2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay in wafdi ka socda Maraykanka ay u safri doonaan magaalada Islamabad maalinta Isniinta, si ay uga qayb qaataan wada-hadallo cusub oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.

Go’aankan ayaa imanaya xilli xiisadda gobolka ay aad u kacsan tahay, gaar ahaan kadib dagaallo socday toddobaadyo oo saameyn weyn ku yeeshay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz iyo dhaqaalaha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladan cusub ay qayb ka yihiin dadaallo dib loogu bilaabayo wada-xaajoodyo hore uga dhacay Pakistan balse aan wax heshiis ah lagu gaarin.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in “
waxyaabo wanaagsan ay socdaan, isla markaana uu rajo ka qabo in heshiis la gaari karo, inkasta oo uu mar kale ku hanjabay in tallaabooyin militari oo culus la qaadi doono haddii Iran aysan aqbalin shuruudaha Maraykanka.

Dhanka kale, Iiraan ayaa weli muujinaysa shaki ku aaddan go’aashaha Mareykanka ee wada-hadallo dhab ah, iyadoo ku doodeysa in cadaadis militari iyo cunaqabateyn dhaqaale aysan sahli doonin heshiis waara.

Si kastaba, Tehran waxay sheegtay inay diyaar u tahay nabadda waarta haddii la helo dammaanad dhab ah.

Wada-hadallada ka dhici doona Islamabad ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama ay noqon karaan fursaddii ugu dambeysay ee lagu badbaadin karo xabbad-joojin jilicsan oo dhowaan dhici karta.