Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee dowladda Iiraan ayaa sheegay in dalkiisu uusan damaanad qaadi karin sii jiritaanka ammaanka marinka muhiimka ah ee Hormuz haddii ay sii socdaan ama kordhaan cadaadisyada militari ee kaga imaanaya Maraykanka iyo Israa’iil.
Hadalka mas’uulkan sare ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xumaaneyso xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee gobolka Gacanka, iyadoo is mari waa iyo kalsooni darro ay sii kala fogeynayaan dhinacyada isku haya, inkastoo loo ballansanyahay wada-hadallo mar kale ka furmaya magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.
Iraan ayaa sheegtay in aysan qaadi karin mas’uuliyadda sugidda amniga marinkan istiraatiijiga ah haddii ay sii socoto waxa ay ku tilmaamtay cadaadis iyo hanjabaado militari oo joogto ah.
Marinka Hormuz ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaara isku socodka ganacsiga shidaalka caalamka, maadaama boqolkiiba weyn oo sahayda saliidda dunida uu halkaas maro.
Marinka Hormuz oo ah halbowlaha ganacsiga shidaalka caalamka ayaa mar kale noqday meel xasaasi ah oo ay ku kulmaan siyaasadda iyo amniga, taasoo sii kordhin karta qalalaasaha ka jira gobolka iyo saameynta uu ku yeelan karo dhaqaalaha adduunka.