Xannibaadda dhaqaale ee ay Mareykanka ku hayso Iiraan ayaa la sheegay inay si weyn u wiiqday dhaqaalaha gudaha dalkaas, iyadoo saameynteedu gaartay heerar cusub oo aan hore loo arag.
Inkasta oo siyaasadda Iiraan lagu yaqaan dulqaad iyo istaraatiijiyad fog, haddana culayska dhaqaale ee hadda jira ayaa keenaya caqabado adag oo dhinacyo badan leh.
Warbixinno dhowaan la helay ayaa tilmaamaya in khasaaraha maalinlaha ah ee Iiraan uu ka badan karo 400 milyan oo doollar, taasoo si toos ah uga dhalatay xannibaadda lagu soo rogay dekedaha dalka.
In ka badan 90% badeecadaha Iiraan ayaa mara dekedaha, kuwaas oo sannadkii soo saara dhaqaale lagu qiyaaso 110 bilyan oo doollar, taasoo muujinaysa sida xannibaaddu u wiiqayso laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale, waxaa jira caqabado farsamo oo la xiriira kaydinta iyo soo saarista shidaalka, iyadoo haysata qiyaastii 15 milyan oo foosto oo shidaal ah oo ku kaydsan jasiiradda Kharg Island.
Heerka buuxsanaanta kaydadka ayaa gaaraya 51%, taasoo ka dhigan in haddii wax-soo-saarku sii socdo, kaydku buuxsami karo muddo 8 maalmood gudahood ah, Xitaa haddii wax-soo-saarka la dhimo, kaydka ugu badnaan wuxuu bedqabka wax soo saarka sugi karaa muddo 20 maalmood ah.
Khubaro ayaa ka digaya in xiritaanka ceelasha shidaalka ay sababi karto burbur joogto ah oo ku yimaada kaydadka dhulka hoostiisa, taasoo ka dhigaysa xannibaadda mid halis gelinaysa mustaqbalka kheyraadka shidaalka Iiraan, ayadoo aan kaliya ku koobnaan doonin dhoofinta.
Sidoo kale, dalka ayaa wajahaya dhibaato la xiriirta isticmaalka shidaalka gudaha, ayadoo Celcelis ahaan, muwaadin kasta oo Iiraani ah uu isticmaalo in ka badan hal litir oo shidaal ah maalintii, taasoo dhalisay hoos u dhac dhan 14 milyan oo litir maalintii.
Horey, Iran waxay uga gudbi jirtay xannibaadaha iyadoo adeegsanaysa laba istaraatiijiyadood oo muhiim ah: midda koowaad oo ah kaydinta shidaalka badda dhexdeeda si wax-soo-saarku u socdo, iyo tan labaad oo ah maraakiibta hooska, kuwaas oo ka shaqeeya meel ka baxsan nidaamyada raadraaca caalamiga ah si ay u suuq geeyaan shidaalka si qarsoodi ah.
Si kastaba ha ahaatee, haddii xannibaadda cusub ay saameyso xeeladahaan, waxaa sii kordhi kara yaraanta lacagta adag ee soo gasha dalka, taasoo saameyn ku yeelan karta nidaamka bangiyada, qiimaha lacagta, iyo nolosha guud ee shacabka.