U bood dhigaalka

.Iiraan oo Shuruudo Ku Xirtay Wada-hadallada ay La Yeelanayso Mareykanka

Abriil 22, 2026

Dowladda Iraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ka qeyb gasho wada-hadallo lala yeesho Mareykanka, kuwaas oo lagu qabanayo Pakistan, balse ay shardi ka dhigtay in Washington ay ka tanaasusho siyaasaddeeda cadaadiska iyo hanjabaadaha ku dhisan.

Arrintan waxaa sheegay sarkaal sare oo Iiraani ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters maalintii Talaadada, asagoo
carrabka ku adkeeyay in Tehran aysan aqbali doonin wada-hadallo lagu doonayo “is-dhiibid,” taasoo muujinaysa mowqif adag oo Iiraan ka taagan tahay cadaadiska diblomaasiyadeed iyo kan milatari ee Mareykanka.

Dhanka kale, Pakistan ayaa weli sii wada dadaallada dhexdhexaadin ah si ay u qaboojiso xiisadda u dhexeysa labada dal, ayadoo Ilo xog ogaal ahi ay tilmaamayaan in Islamabad ay ku howlan tahay sidii ay Mareykanka ugu qancin lahayd inuu qaado xayiraadda badeed ee saaran Iiraan, isla markaana uu sii daayo markabka xamuulka qaada ee laga leeyahay Iiraan ee lagu magacaabo Touska, kaasoo ciidamada Mareykanka ay qabteen Axaddii la soo dhaafay, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay shaqaalihii saarnaa.

Sarkaalka Iraaniga ah ayaa ku eedeeyay Washington inay maalin kasta abuurayso caqabado cusub halkii ay xal ka gaari lahayd khilaafaadka jira, taasoo sii adkeynaysa dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda.

Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ayaa weli kacsan, iyadoo tallaabooyinka militari iyo cadaadiska siyaasadeed ay halis gelinayaan rajada laga qabo in xal diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka.