Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay wada-hadallada Iiraan iyo xirnaashaha marinka Hormuz ayaa sheegay in furitaanka marinkaasi uu wiiqi doono rajada heshiis lala gaaro Iiraan.
Trump ayaa ku dooday in haddii la furo Marinka Hormuz, aysan jiri doonin wax heshiis ah oo lala gaari karo Iiraan, ilaa laga qaado tallaabooyin aad u adag oo uu ku tilmaamay in la burburiyo waxa ka haray dalkaas iyo hoggaamiyayaashiisa.
Hadalkan oo si weyn u hadal hayn abuuray ayaa muujinaya heerka sare ee xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Washington iyo Tehran, ayadoo Iiraan ay saacado ka hor dhexdhexaadiyaha Pakistan ku wargelisay inaysan ka qeyb-galayn wareegga labaad ee wada-hadallada Islamabad.