Roobab xooggan oo mahiigaan ah ayaa saacadihii u dambeeyay si isdaba-joog ah uga da’ayay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, taasoo si rasmi ah u muujineysa bilowga xilliga roobka gu’ga ee sanadkan.
Roobabkan lagu qabowsaday ayaa yimid xilli dalka uu muddooyinkii la soo dhaafay la daalaa dhacayay abaaro ba’an oo si weyn u saameeyay nolosha bulshada iyo xoolaha.
Caasimadda Muqdisho, roobka mahiigaanka ah ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, kaddib markii biyo fariisin ay ka sameysmeen waddooyin dhowr ah, gaar ahaan meelaha hooseeya.
Inkastoo ay jiraan caqabado dhanka cimilada iyo nadaafadda ah, haddana dareenka guud ee bulshada ayaa ah mid soo dhoweyn iyo farxad leh.
Dhanka kale, wararka ka imaanaya gobollada dalka ayaa sheegaya in roobka gu’gu uu ka curtay deegaano badan, inkastoo aanu weli si isku mid ah uga wada da’in guud ahaan dalka.
Tani waxay muujineysaa bilowga xilli roobaad rajo gelinaya dadka Soomaaliyeed, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu sii xoogeysan doono.
roobabkan ayaa muhiim u ah soo kabashada xoolaha iyo deegaanka, balse waxaa lagama maarmaan ah in laga feejignaado suurta-galnimada fatahaado iyo dhibaatooyin kale oo ka dhalan kara roobabka culus.