U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay Shir madaxeedka Qubrus ee Dalalka Yurub iyo Carabta ?

Abriil 25, 2026

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay shir madaxeedkii Yurub ee lagu qabtay dalka Qubrus, kaas oo ay ka qeyb-galeen hoggaamiyeyaasha iyo wakiillo ka kala socday dalal badan oo ka tirsan Yurub iyo Carabta.

Shirkan oo socday maalmo xiriir ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya labada dhinac.

Intii uu socday, waxaa la qabtay kulammo isdaba-joog ah oo ay yeesheen madaxda iyo ergada ka qeyb-galeysay, kuwaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah sida xasilloonida gobolka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinaca tamarta.

shirku wuxuu ku soo dhammaaday jawi is-afgarad leh, iyadoo dhinacyadu ay muujiyeen rabitaan ay ku xoojinayaan xiriirkooda mustaqbalka.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sii wado wada-hadallada iyo kulamada noocan oo kale ah si loo adkeeyo xiriirka labada gobol.

shirkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta wada shaqeynta Yurub iyo Carabta, iyadoo la filayo in natiijooyinka ka soo baxay ay saameyn togan ku yeeshaan siyaasadda iyo dhaqaalaha labada dhinac.