U bood dhigaalka

Booliska Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay shaqaaqadii xalay ka dhacday goob uu ku sugnaa Trump

Abriil 26, 2026

Xilli qalalaase amni oo xooggan uu ka dhacay bannaanka hoolka lagu qabanayay casho sanadlaha ah oo lagu magacaabo eWhite House Correspondents’ Association Dinner, kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay ciidamada amniga ee halkaasi ku sugnaa ayay boolisku dhacdadaas faahfaahin ka bixiyeen.

Sida ay sheegeen boolisku Eedeysanaha loo haysto falkan oo watay laba qori iyo mindiyo dhowr ah, ayaa  isku dayay inuu ku dhowaado goobta munaasabadda ka socotay, ka hor inta uusan rasaas bilaabin.

Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga falceliyay dhacdada, iyagoo xakameeyay ninkaasi kuna guuleystay inay gacanta ku dhigaan.

Dhacdadan ayaa sababtay cabsi iyo jahwareer ballaaran, iyadoo rasaasta la maqlay ay keentay in martidii munaasabadda ay hoos galaan miisaska, halka qaar kalena si degdeg ah looga daadgureeyay goobta.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo mas’uuliyiin kale oo sare ayaa si dhaqso ah looga saaray goobta, iyadoo la xaqiijiyay inay badqabaan.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah ilaalada Secret Service uu dhaawac fudud soo gaaray, inkastoo jaakadda ka hortagga rasaasta ay ka hortagtay dhaawac halis ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in weeraryahanku u muuqdo inuu kaligiis falka fuliyay, waxaana hadda socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarka iyo sida uu ugu suurtagashay inuu hub la galo meel si adag loo ilaaliyo.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, isagoo wajahaya dacwado culus oo la xiriira weerar hubeysan iyo ku xadgudubka ciidamada federaalka.