U bood dhigaalka

Mareykanka oo xaqiijisay in gacanta lagu dhigey nin loo haysto weerarkii lagu qaaday goob uu ku sugnaa Trump

Abriil 26, 2026

Warar deg-deg ah oo laga helayo gudaha Mareykanka ayaa sheegaya in nin lagu tuhunsan yahay isku day weerar lagu qabtay, kadib markii uu isku dayay inuu u dhowaado goob si weyn loo ilaaliyo.

Sida lagu sheegay qoraalka rasmiga ah, Madaxa Hay’adda Amniga Madaxtooyada Mareykanka (Secret Service) ayaa xaqiijiyay in ninkan la xiray isla markiiba markii uu isku dayay inuu ka ag dhowaado goobta.

Ciidamada ammaanka ayaa si dhaqso leh u farageliyay, iyagoo gacanta ku dhigay tuhunsanaha kahor inta uusan waxyeello geysan.

Sawirro iyo muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya ninka oo la dhigay dhulka, gacmahana laga xiray, iyadoo ay hareeraha ka joogaan askar hubeysan.

Lama shaacin weli faahfaahin buuxda oo ku saabsan ujeeddada weerarka ama haddii uu kaligiis ahaa iyo in kale.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in baaritaan deg-deg ah uu socdo, islamarkaana la ogaan doono faahfaahin dheeraad ah saacadaha iyo maalmaha soo socda.