U bood dhigaalka

Weerar ka dhacday goob uu ku sugnaa Madaxweyne Trump

Abriil 26, 2026

Madaxweyne Trump ayaa Si Degdeg ah Loo Saaray goob ay ka dhacaysay munaasabadda casho-sharafeedka, taasoo lagu qabtay magaalada Washington, D.C.

Wararka ayaa sheegaya in Trump iyo marwada koowaad Melania Trump si degdeg ah looga kaxeeyay goobta munaasabadda, kadib markii la maqlay jug xooggan oo cabsi gelisay ka qeyb-galayaasha.

Ciidamada sirdoonka Mareykanka ayaa si dhaqso leh u fuliyay howlgalka badbaadinta, iyagoo xaqiijiyay ammaanka madaxweynaha iyo xaaskiisa.

In ku dhow Saacad kadib markii laga saaray goobta, Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in ruux hubeysan la qabtay,” taasoo muujinaysa in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen qofka lala xiriirinayo dhacdada.

Ilaa iyo hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin xaaladda ruuxa la qabtay ama waxa sababay jugooyinka la maqlay, iyadoo hay’adaha ammaanku ay wadaan baaritaanno dheeraad ah.

Dhacdadan ayaa si weyn u kicisay dareenka amni ee ku xeeran munaasabadaha waaweyn ee ay ka qeyb galaan madaxda sare ee Mareykanka, xilli Trump uu wajahayo mucaaradnimo xooggan iyo imtixaanno siyaasadeed oo gudaha ah .