U bood dhigaalka

XARIGGA CIKRAMA IYO CAKIRNAANTA KA JIRTA GUDAHA KOOXDA AS

Aw Dacar
Qeybta: Amniga iyo Dawladdhiska
Abriil 26, 2026

Hordhac Kooban

Markii ay ciidanka gaarka ah ee Maraykanka, SEAL Team Six, ay ka soo degeen xeebta Barawe iyaga oo wata doomo dheereeya sannadkii 2013, bartilmaameedkoodu ma ahayn oo kaliya argaggixiye ka tirsan kooxda al-Shabaab (AS), balse wuxu ahaa nin dhalinyaro ah oo isu maray Mambasa, Norway, London, Suudaan, Koonfur Afrika iyo Eritrea, oo lix luuqadood ku hadla, kaasoo hore uga badbaaday labo hawlgal oo lagu qaarajin rabay. Maanta, saddex iyo toban sano ka dib weerarkaas, wuxuu ku xiran yahay xabsi ay gacanta ku hayaan isla kooxdii uu muddada dheer ee 18ka sano ah ka tirsanaa.

Xariggiisu ma ahan kaliya dhacdo muujinaysa culays amni, waase arrin laga dhex arki karo kalashakiga baahsan ee ka dhex aloolsan hoggaanka sare ee kooxda AS. Cikrama oo ah magaca uu ku hawlgalo ayaa muddo dheer ahaa “buundada” isku xirta maleeshiyaadka deegaanka iyo unugyada caalamiga ah ee al-Qaacidda, qabashadiisuna waxay calaamad u tahay bilowga olole sifayn ah oo gudaha ah, kaas oo ka dhashay farriintii dhowaan ka soo baxday Mahad Karataay ee ku saabsanayd dhexgalka sirdoonka shisheeye.

Warbixintan waxay si qotadheer u faallaynaysaa raadkii Cikrama; laga soo bilaabo noloshiisii magangalyadoonka ee dalka Norway iyo doorkii uu ku lahaa weerarradii dhiigga badnaa ee Westgate iyo Gaarisa, ilaa ay maanta su’aali ka taagan tahay in badbaadadiisii mucjisada ahayd ay ku soo dhammaan karto ku-bixidda gacanta saaxiibbadiisii uu muddada dheer u soo adeegayay.

Xarigga Cikrama

Cabdiraxmaan Azhari, Agaasimaha Wargelin Analytica ahna sarkaal hore oo ka tirsanaa Amniga Qaranka ee Soomaaliya, ayaa bartiisa X ku shaaciyay in kooxda al-Shabaab ay xabsiga dhigtay Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir (Cikrama) dhammaadka bishii Maarso 2026kii. Xogtan ayaa tilmaamaysa in sirdoonka gudaha ee amniyaadka ay qabteen sarkaalkan ka dib markii la la’aa dhawr bilood, iyadoo markii danbe laga helay aag ka baxsan fariisimihiisii lagu ogaa. Sida uu Azhari xusay, xariggan ayaa yimid ka dib markii uu dhashay tuhun ah in Cikrama uu sameeyay safar ka baxsan dhulka ay maamuusho kooxda, taas oo keentay in hoggaanka kooxdu ay tuhmeen inuu “tanaasul” sameeyay ama uu xiriir la yeeshay sirdoonno shisheeye.

Xiritaanka sarkaalkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli xasaasi ah, maadaama horraantii bishii March 2026 uu farriin maqal ah soo saaray Mahad Karataay, oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha guud ee kooxda AS. Karataay ayaa farriintiisa ku nuuxnuuxsaday in sirdoonka dawladda iyo kuwa caalamiga ah ay si weyn u dhex galeen kooxda, isagoo shaaciyay cafis shuruudaysan oo loogu talagalay xubnaha sirdoonka u shaqeeya ee toobad keena, halka uu ugu hanjabay dil toogasho ah cid kasta oo lagu helo basaasnimo. Arrintan ayaa muujinaysa in xarigga Cikrama uu qeyb ka yahay olole ballaaran oo “sifayn” ah oo ay kooxdu ku ugaarsanayso xubnaheeda ugu sarreeya ee laga shakisan yahay.

Maxaa laga Yaqaanaa Cikrama?

Cabdiqaadir Cikrama waa mid ka mid ah saraakiisha ugu saamaynta badan uguna qarsoodiga badan kooxda AS. Sida ay xuseen ilawareedyo dhanka sirdoonka ah iyo qoraallada falanqaynta amniga, Cikrama waxa uu dhashay sanadkii 1979, isagoo ku dhashay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, qabiil ahaanna waxa uu ka soo jeedaa beesha Degoodi. Sida ay baahisay warbaahinta caalamiga ah ee kala ah Reuters, NYT, NRK, START, TV2, Cikrama waa nin si buuxda ugu hadla lix luuqadood oo kala ah Soomaali, Ingiriis, Sawaaxili, Carabi, Faransiis, iyo Noorwiijiyaan; awooddan ayaa la sheegay inay u saamaxday inuu noqdo isku-xiraha muhaajiriinta iyo hawlgallada dibadda ee kooxda.

Marka la eego safarradiisii qurbaha, warbaahinta Norway ee TV2 iyo NRK ayaa wariyeen in Cikrama uu dalkaas galay sannadkii 2004, isagoo magangalyo weydiistay. Hay’adda sirdoonka Norway ee Politiets sikkerhetstjeneste (PST) ayaa xaqiijisay inuu dalkaas degganaa afar sano, isagoo ku noolaa xarun lagu qaabilo qaxootiga oo ku taallo Moelv, balse codsigiisii magangalyada waa la diiday, wuxuuna dalkaas ka baxay sannadkii 2008. Sida lagu xusay qoraallada taariikh-nololeedkiisa, kadib markii uu ka tagay Norway, waxa uu muddo hal sano ah ku noolaa magaalada London, sirdoonka Kenya ayaana sheegay inuu sido kale u safray dalal ay ka mid yihiin Suudaan, Koonfur Afrika, iyo Eritrea kahor intaanu si rasmi ah ugu wareegin Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Pentagon-ka iyo ila-wareedyo hore oo ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamiga ah, Cikrama waxa uu Soomaaliya dib ugu soo laabtay sannadkii 2008, isagoo qayb ka ahaa dhalinyaradii qurbaha ka yimid ee ku biiray kooxda AS. Sida ay baahisay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, Cikrama waxa ay aad isugu dhowaayeen ergayaashii hore ee al-Qaacidda ee Bariga Afrika, sida Fasuul Cabdalla Maxamed iyo Saalax Nabhaan, halkaas oo uu ka soo bartay khibradda sirdoonka iyo qorshaynta weerarrada. Sida ay sheegeen khubarada amniga gobolka, Cikrama waxa uu caan ku yahay inuu yahay maskax qorsheeye, isagoo ahaa ninkii ka danbeeyay aasaaska saddexda jabhadood ee kooxdu ay ku dhex abuurtay gudaha dalka Kenya.

Weerarradii uu maleegay iyo kuwii uu ka badbaaday

Cikrama waxaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah maskaxda ugu sarraysa ee kooxda AS u qaabilsan qorshaynta weerarrada ka dhaca dibadda. Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, Cikrama waxa uu door muhiim ah ka qaatay qorshaynta iyo isku-xirka weerarkii dhiigga badan ku daatay ee xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ka dhacay bishii September 2013, halkaas oo lagu dilay 67 qof. Sidoo kale, sirdoonka Kenya iyo xarunta cilmi-baarista ee START (National Consortium for the Study of Terrorism and Responses to Terrorism) ayaa aaminsan inuu ka danbeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015, kaas oo lagu laayay ku dhowaad 148 arday. Cikrama waxa uu ahaa ninkii maskaxda u ahaa aasaaska saddex jabhadood oo ka hawlgala gudaha dalka Kenya, kuwaas oo gaystay in ka badan 20 weerar oo isugu jira qaraxyo, afduubyo, iyo dilal qorshaysan intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2015. 

Dhanka kale, Cikrama waxa uu leeyahay taariikh yaab leh oo uu kaga badbaaday isku-dayo dil iyo qabasho oo lala beegsaday. Midka ugu caansan waa weerarkii Baraawe ee dhacay  October 2013, laba toddobaad uun ka dib weerarkii Westgate. Afhayeenka Pentagon-ka, George Little, ayaa xaqiijiyay in ciidamada badda ee Mareykanka ee loo yaqaanno SEAL Team Six (DEVGRU) ay weerar dhanka badda ah ku qaadeen guri ku yaalla xeebta Baraawe si ay nolosha ugu soo qabtaan Cikrama, balse waa uu ka badbaaday ka dib markii dagaal culus uu dhex maray ciidanka iyo ilaaladiisii. 

Sidoo kale, sanadkii 2014, ciidanka ammaanka Kenya ayaa weerar ku qaaday guri ku yaalla Mombasa ka dib markii ay heleen xog sheegaysa inuu halkaas joogo, balse wuu ka baxsaday goobta kahor intaanay ciidanku soo gaarin, waxaana halkaas lagu dilay nin kale oo isaga lagu khalday.

Ugu danbayntii, Cikrama ma uusan ka badbaadin oo kaliya weerarrada shisheeyaha, balse wuxuu, sidoo kale, ka badbaaday khilaafaadka dhiigga ku daatay ee gudaha kooxda AS. Sida ay sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah, bishii Abriil 2014, isaga oo maraya degaanka Haawaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa lala beegsaday qarax miino oo ay soo abaabuleen ciidanka Amniyaadka ee hoostaga amiirkii hore ee Kooxda AS, Axmed-Godane, ka dib markii uu soo kala dhex galay khilaaf dhanka istiraatiijiyadda ah, balse qaraxaasna waa uu ka badbaaday. Badbaadadiisa joogtada ah iyo awooddiisa dhuumashada ayaa ka dhigtay mid kamid ah dadka ugu muhiimsan ee ay sirdoonka caalamku doondoonayaan, isagoo madaxiisa la saaray 2014 lacag dhan $3 milyan ilaa $5 milyan oo doollar.

Falanqayn: Maxay ka Dhigan Tahay Xarigga Cikrama?

Xarigga Cabduqaadir Cikrama, wuxuu calaamad u yahay mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee ka dhex dhacay hoggaanka sare ee kooxda al-Shabaab, tobankii sano ee u danbaysay. Maadaama uu Cikrama ahaa sarkaalka ugu muhiimsan ee iskuxira kooxda al-Shabaab iyo garabyada caalamiga ah, xariggiisu ma ahan oo kaliya khasaare dhanka hoggaanka ah, waase dhabarjab weyn oo ku yimid kalsoonidii iyo nidaamkii sirdoonka ee argaggaxisada al-Shabaab. Xaqiiqda ah in “Amniyaadka” ay qabteen sarkaal miisaankaas leh, isagoo ku sugan meel ka baxsan fariisimihiisii rasmiga ahaa, waxay xaqiijinaysaa in kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab ay hadda gashay marxalad kalashaki gudaha ah oo aad u sarraysa.

Farriintii Mahad Karataay ee billowgii Maarso 2026, ee ku saabsanayd dhex-galka sirdoonka, waxay ahayd hordhaca rasmiga ah ee ololahan sifaynta ah. Karataay waxa uu si cad u qirtay in sirdoonka dawladda iyo kuwa caalamiga ah ay si weyn u dhex-galeen unugyada kooxda, taas oo la micno ah in al-Shabaab ay hadda u arkaan xubnahooda ugu aqoonta badan—gaar ahaan kuwa qurbaha ka yimid sida Cikrama—inay yihiin dad u nugul inay la shaqeeyaan sirdoonnada shisheeye. Cikrama, oo ku hadla lix luuqadood isla markaasna yaqaan habfikirka reer Galbeedka, waxa uu hadda dhibbane u noqday isla aqoontii markii hore kooxda loogu soo dhoweeyay.

Marka la eego dhanka hawlgallada, xarigga Cikrama waxa uu curyaaminayaa awoodda al-Shabaab ee qorsheynta weerarrada ka dhaca dibadda. Cikrama waxa uu ahaa “maskaxda” ka danbaysay jabhadaha Kenya ka hawlgala iyo weerarradii Westgate iyo Gaarisa; haddaba, maqnaanshihiisu waxay wiiqi doontaa xiriirka kooxdu la leedahay unugyada muhaajiriinta iyo qorsheynta weerarrada casriga ah. Tani waxay dhalin kartaa in kooxdu ay dib ugu laabato weerarrada fudfudud ee gudaha, iyadoo luminaysa saamayntii ay ku lahayd gobolka iyo caalamka.

Ugu danbayntii, haddii Cikrama loo dilo eedeymo la xiriira tanaasul ama sirdoon, waxay fariin cabsi leh u diraysaa dhalinyarada kale ee qurbaha ka yimid ee kooxda ka tirsan. Tani waxay horseedi kartaa in kooxdu u kala qaybsanto garabyo iska shaki qaba, taas oo fududayn karta inay sii dumaan unugyada sirdoonka iyo kuwa hawlgallada ee kooxda. Badbaadadii yaabka lahayd ee Cikrama uu kaga soo dhex baxay weerarradii SEAL Team Six iyo miinooyinkii Axmed-Godane, waxay u muuqataa inay hadda ku dhammaan rabto gacanta saaxiibbadiisii uu muddada dheer u soo shaqaynayay, taas oo muujinaysa in khatarta ugu weyn ee hoggaanka al-Shabaab ay hadda ka dhex jirto gudahooda.