Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil, la-taliyeyaal iyo kooxo farsamo oo Masaari ah ay diyaarinayaan goob la dejiyo ciidamo laga qorsheynayo inay Masar u soo dirto Soomaaliya, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin halka rasmiga ah ee la dejin doono.
Warbixin uu baahiyey wargeyska The New Arab ayaa tilmaantay in goobta la qorsheynayo ay tahay deegaanka Ceelcade, oo ku dhow garoonkii hore ee Cisiley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goobtan ayaa ku taalla waqooyiga Muqdisho, waxaana la sheegay inay qiyaastii 400 oo kiiloomitir u jirto qaybta ugu dhow ee xadka beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warbixintan ayaa ka duwan xogihii hore ee ciidamada Masar la xiriirinayey gobollada Gedo iyo Hiiraan, kuwaas oo ku dhow xadka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dowladda Masar weli si rasmi ah uma xaqiijin in deegaanka Ceelcade laga dhisayo saldhig ciidan ama xarun tababar oo ay isticmaali doonaan ciidamada Masar.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sannadkii 2025 sheegay in ciidamada Masar aan loo qorsheyn inay ka hawlgalaan xadka Itoobiya, balse la dejin doono qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay hore uga hawlgeli jireen ciidamada Burundi. Madaxweynaha ayaa xilligaas si gaar ah u xusay aagga u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Mahadaay.
Masar ayaa hore u xaqiijisay inay ciidamo ku biirinayso Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Labada dal ayaa sidoo kale sannadkii 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah.
Bilihii la soo dhaafay, wafdiyo militari oo Masaari ah ayaa Muqdisho kulammo kula yeeshay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wadahadallada ayaa la sheegay inay la xiriireen tababarka, tayeynta iyo kor u qaadista awoodda ciidamada Soomaaliya.
Ka-qaybgalka ciidamada Masar ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo taageerada dadaallada amniga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka.
Hardanka u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sare u qaadaya muhiimadda ay leedahay in si cad loo qeexo goobaha ay ciidamada Masar ka hawlgeli doonaan iyo waajibaadkooda.
Inkastoo ka-qaybgalka Masar ee AUSSOM hore loo xaqiijiyey, haddana tirada ciidamada la soo dirayo, goobta rasmiga ah ee la dejinayo iyo waqtiga ay Soomaaliya imaanayaan weli si faahfaahsan looma shaacin.
Waxaa sidaas darteed muhiim ah in dowladda Federaalka Soomaaliya ay caddeyso xogta ku saabsan goobta la soo sheegay, gaar ahaan in loo qorsheeyey saldhig joogto ah, xarun tababar ama fariisin ciidan oo hoos imanaysa howlgalka AUSSOM.